SOOMAALIDA GOBOLKA ST.GALLEN OO ISKA BAREEJEEYAY SOOMAALIDAGOBOLKA GRAUBUNDEN FARXADDA CIIDDA!!

0
Sunday June 17, 2018 - 11:18:57 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALIDA GOBOLKA ST.GALLEN OO ISKA BAREEJEEYAY SOOMAALIDAGOBOLKA GRAUBUNDEN FARXADDA CIIDDA!!

    Soomaalida ku nool gobolka St.Gallen ee dalka Switzerland ayaa iyana maalin kadib wacdaro aan inaba caadi ahayn horay aan loo arag ka dhigay xafladdii faraxa ciidda ee ka dhacday xarunta gobolkaasi isla St.Gallen maalin uun kadib markii Soomaalida go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida ku nool gobolka St.Gallen ee dalka Switzerland ayaa iyana maalin kadib wacdaro aan inaba caadi ahayn horay aan loo arag ka dhigay xafladdii faraxa ciidda ee ka dhacday xarunta gobolkaasi isla St.Gallen maalin uun kadib markii Soomaalida gobolka Graubunden ay si balaaran isugu tageen magaalada madaxda gobolkaasi Chur.


 Rag iyo dumar caruuro hooyooyin iyo aabbayaal aad u marashaysan wajiyadoodu ay dhaldhalaalayen dhoollahooguna muuqmuuqanayay ayaa soo xaadiray hool la diyaarshay ee ku yaal bartamaha magaalada St.Gallen, kuwaaso xuskan Islaamka ku waynyahay aad u taageerayay qaarkoodna meelo fogfog uga soo qaybgalay kulankan taariikhiga ah. 

Waxgaradka bulshada ayaa khudbado ka jeediyay ee ku aaddan munaasibadda Ciidul-Fitriga kahor goos u raaxaynta intaan bishimaha carabka kaaba fariimo qoyan aysan u dirin haanta ama taangiga shidaalka u ah aadmiga ee bartamaha jirkiisu ku rakiban. 
Walow dadka qaarkii aysan iman goobta xafladdani qiimiga lahayd qaradana waynayd ay ka dhacaysay, ayaa haddana waxaa la oran karayaa inta badan waa ay joogeen mushtamaca Soomaaliyeed sharafta badan ee nool gobolkan aynu magaciisa kor ku soo xusnay, waxaana xusid mudan in xafladdana dhanka agaasinka iyo maamulkeeda uu ka duwanaa qaabka abaabulka xafladihii horay uga dhici jiray gobolka Switzerland. 
Xafladdani ruuxii ka maqnaa ay wax dhaafeen, waxaa intii ay socotay Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya oo si rasmi ah loogu casuumay indhaheedu qabanayeen shaqsiyaad samafalayaal ah kaalin muhiim ah kaga aaddan mudan magacaantooda in baal dahab ah lagu qoro, kuwaaso la guddoonsiinayay shahaadooyin tilmaamaya sharafta ay ummadda ku dhex leeyihiin, kuwaasoona u guntaday in si bilaa mushqaayad ah ugu adeegaan shacabka Soomaalida daggan qurbahan aanu noloshiisu u sahlanayn sida dalkii, ama dunida saddexaadba, waxaana mar labaad aad u xusid mudaninaan mirir isdultaagno, in shahaadooyinkii goobtaasi calool furnaanta lagu wada yimid ay ku qornaayeen Afkeena Soomaaliga hodanka ah, taasoona muujinaysa in mudnaanta la siinayo afkii hooyo, halka wayihii dambeeyay Soomaalidu afafka qalaad ay ka hormarin jireen kooda hooyo, taasina waxaa ay ina tusinaysaa inuu dadyowgii Soomaalida ahaa dowllad la'aantu qabyaalladdu keentay daashatay ay haatan u soo bislaanayan wadajir iyo waxqabsi walaaltinimo, iyago aadna mooddid kolkaad si saxaraaxad leh aad u dhuguto inay u jahaysmayaan dhanka dowlladnimada, bacdama ay ogaadeen arkeena foodka kulul ee laga cabbo dowllad-la'aantu iyo dhibaatooyinka dabada dheer ee ay leedahay uuna koow ka yahay bahdilka sharafka dadnimo.
Abaabulka xafladdan midowga ah duulkii sharaftalahaa u kulmayoon magacaantooda aynan halkan ku soo koobi karin, ayaynu muuqaaladeenu dambe idin kugu soo gudbin doonaa magacaanta masuuliyinta hawshan gutay inay dhacdo ee uu afkiisu kaga dhawaaqayo magacyadooda gudoonka halyeyga ah madaxda u ah Ururka DhallinyaradaSamafalayaasha Soomaaliyeed ee gobolka St.Gallen Mudane C/LLaahi Cali Jareere oo Soomaalinimadu aad ugu damqada waxyeelaynteeda horumarinteeduna maal iyo waqti xooggba ku bixiya inta karaankiisu yahay.


Guud ahaan gobolka St.Gallen iyo midka Graubunden oo dhaca bariga waddanka Switzerland ayaa waxaa la sheegay inay dhanka isku xirnaanta Soomaalinimada kaga fiicanyahay gobollada Swisska intooda kale, taaso sido kale caddaynaysa in Soomaaliya burburkii ay burburtay qaran ahaan 28 sanadood kahor ay haatan ku soo dhacayso dhabbihii wadajirka iyo dowlladnimada, walow ay jiraan weli dhaliilo aad u badan, waxaana xafladdii faraxadda ciidda ee ka dhacday magaalada St.Gallen cariga Switzerland ay ku soo afmeerantay jawi aad u heer sareeya.
Qofaan Sangalan tagin sawirkuba miyuu arkayaa iyo calankii oo saaranna laakiin!!
By.Ustad Adam

























Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc