6-DA JUUN SANADGUURIHII 19-NAAD URURWEYNAHA MUJAAHIDIINTA RRA RC IYO HALKII LOOGU QOOYAY HUWANTII MALEESHIYADII SALBALLAAR!!

0
Wednesday June 06, 2018 - 21:24:28 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6-DA JUUN SANADGUURIHII 19-NAAD URURWEYNAHA MUJAAHIDIINTA RRA RC IYO HALKII LOOGU QOOYAY HUWANTII MALEESHIYADII SALBALLAAR!!

    Embagati dowlladdii lagu soo dhisay ee loo fadhiyey laba sano iyo badh gudaha Kenya, waxaa hogaaminayey Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed Illaahay ha u naxariistee, sido kale, waxaa gudoomiye baarlamaan halkaa ka noqday siyaasiga galaangalka badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Embagati dowlladdii lagu soo dhisay ee loo fadhiyey laba sano iyo badh gudaha Kenya, waxaa hogaaminayey Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed Illaahay ha u naxariistee, sido kale, waxaa gudoomiye baarlamaan halkaa ka noqday siyaasiga galaangalka badan leh siyaasaddiisu kulushahay Mudane SHariif Xasan SHiikh Aadan oo haatanba ka muuqanaya saaxada siyaasadda Soomaaliya. Dowlladdaasi waxaa ka hor yimid hogaamiye kooxeedyo farabadan oo ka tirsanaa isla dowlladdaa, kuwaaso awood baaxad leh ku lahaa inta badan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho xarunta federaalka ee dalka.
Dowlladdu kolkii ay Muqdisho tagi weydey siyaasado ku lafaguran diidmo qabiilawgood, waxaa ay noqotay halka uu ka soo jeedo ra'iisul u wasaarihii xukuumadda qofka lagu magacaabo Cali Maxamed Geedi Jowhar iyo maagaalada Baydhabo Koonfur Galbeed Soomaaliya in si ku-meel-gaar ah loo dajiyo dowllada Baydhabana ay sidaasi ku noqoto xarunta, ama, madaxtooyada ku-meel-gaarka dowllada federaalka ee Soomaaliya.

Xaaladdu waxay socoto oo ay sidaa ku socotaba, dowlladdii oon si toos ah u saldhigan magaalada Baydhabo, waxaa soo burqaday awood aan la fileynin ,taa oo ka soo baxday geyiga Soomaaliya qaasatan Muqdisha.
Hogaamiye-kooxeedyadii Muqdisho haystay waxay dhiseen urur la magac baxay (La Dagaalka Arggiggixisada), waxaana dagaal la galay ururkii Midowgii Maxaakiimta, kuwaasi oo wiiqay guud ahaanba awooddii hogaamiye-kooxeedyada.
Midowgii Maxaakiimta Soomaaliyeed waxaa ay keeneen nabad aan horay loo arag muddo 16, ama, 17 sano, gaar ahaan Muqdisho, laakiin, nabaddaasi kolkii ay keeneen, kuma aysan hakan oo kali ah magaalada Muqdisho.
Dowlladda Federaalka oo waqtigaasi fadhiday Baydhabo iyo Midowgii Maxaakiimtu, waxaa caalamku uu isku dayey in wada-xaajood loo furo dowlladdu ay awood qaybsi siiso guruubka ka soo horjeeda maxaakiimtuna iyana geestooda aqbilaan qorshaha awoodqaybsiga.
Tallaabooyinkii koobaad Midowgii Maxaakiimtu iyo dowlladda Federaalku tiro 2 ilaa 3 jeer ayey ku kulmeen KHurtuumxarunta dalka Suudaan, walow, wadaxaajoodkaasi Midowga Maxaakiimtu ay aad uga dhan ahaayeen dirqina ku ahayd in ay la wada hadlaan dowlladda, maxaa yeelay, waxayba taagnaayeen in dowlladduba asal gaalo tahay sida ay aaminsanaayeen, ama, ay xiligaasi warka u dhigeen.
Si kastooy ahaataba, Midowgii maxaakiimta kuma aysan hakan kaliya magaalada Muqdisho haysashadii ay haysteen, waxaa ay soo aadeen gobolo iyo degmooyin badan oo ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxayna soo gaareen gobolada dhexe Bandiiradley oo qayaastii 60 km u jirta magaalada Gaalkacyo xarunta Mudug, halka difaaca ugu horeeyana ay soo dhigteen dhanka Koonfureed Moodamoode oo degmada qadiimiga ah ee Buur-Haba u jirta dhowr KM, iyaga oo sanka saaray magaalada Daynuunay xaggaa iyo Baydhabo.
Laakiin, waxaa la yaablahaa Midowgii Maxaakiimtu, waxaa ay joojiyeen qaadka, waxaana ay ka joojiyeen goobihii ay haysteen, haddana qaadka iyada oon Muqdisho lagu cuni karin, cagsigeed, Afgooyena waa lagu cunayey, Afgooye waxaa ay Muqdisho u jirtaa 30 Km oo qur ah.
Waqtigaasi Midowga Maxaakiimta waxaa wasiirka gaashigga u ahaa ka loogu yeero SHeekh Yuusuf Indhacadde oo xiligaasi gobolka SHabeellaha-Hoose Koonfur Galbeed xoog ku haystay.
Maxaakiimtu waxaa ay gaareen magaalada Kismaanyo gobolka Jubbada-Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, magaalada Kismaanyo qaadka iyo tubaakada waa lagu gubayey, laakiinse, SHabeellaha Hoose sida Afgooye oo markaasi Cirfo Indhacadde inadeerkii xoog ku haystay, qaadka qofku intuu Muqdisho ka soo baxo ku qayilo halkaa ayuuna Muqdishadiisi dib ugu noqonayey maalintii.
Maxaakiimta waxaa la saaray buundo aad u dheer markii ay u gudbayeen Kismaanyo, maxaa yeelay, waa ay ka boodeen SHabeellaha-Hoose, gobolka SHabeellaha-Hoose waqtigaasi waxaa ka socotey canshuurtii baadda ahayd, canshuurtaaso uu ka qaadayey dadka deegaanka Indhacadde iyo maleeshiyo-beeleed uu hogaaminayey oo awalna dowlladdii Cabdiqaasimna lagu eedeeyo in ay iyadu meesha keensatay.
Si walbooy tahay, dowlladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed dagaalbaa kaga yimid Midowgii Maxaakiimta, maadama, wadahadaladii ay guuldaraysteen, wadahadaladaaso KHurtuum loogu qabtay, ama, loogu qabanayey Midowgii Maxaakiimta iyo dowlladda Federaalka Soomaaliya.
Maxaakiimtu kolkii ay soo gaareen aagga Moodamoode, islamarkaana ay dhihi jireen "waa naloo yeertay shacabka ayaa inoo baahan," Itoobiya oo markaasi danayneysey saaxiib gaar ahna la ahayd madaxda dowlladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ay sheegtay iyana in "haddii Baydhabo la soo weeraro iyana weerarka dhinaceeda ka geli doonto."
Xaaladdii oo sidaa u cakiran, ayaa ninka sheegta SHeekh Yuusuf Indhacadde wasiirka gaashaandhiggana ugu magacawnaa Midowgii Maxaakiimta fagaaraha tirabuunka Muqdisho kumaankun shacab ah waxaa uu ugu khudbadeeyey si furan in ciidda Carafa ay ku dukan doonaan Adisababa xarunta dalka Itoobiya, hadalkaaso baasiin iyo olol daran ku shiday jawiga dalka iyo dariska, maxaa yeelay, warkaasi waxaa uu si toos ah u taabtay dowlladda Itoobiya oo xasaasiyadka qabtay falalka Maxaakiimta fagfagtooda halist ah.
Ninkaasi Indhacadde la leeyahay, waxaa uu si ballaqan jeesjees ku jiro fagaarahaasi uga sheegay in "dadka Reer Baydhabo la baarayo marka ay Muqdisho soo aadayaa," hadalkaasi xanafta leh oo shacbigii waqtigaasi Tiribuunka taagnaa uu ku marqaatiyey in dadyowga deegaanada Koonfureed hal hal loo jekimayo sida eeraboor dad ka dhoofaya oo kale, Indhacadde wuxuu yiri "shacaboow soo baariymeyno oo Buur-Hakaba ku baarimeyno Reer Baydhabo marka ay Muqdisho soo geleyaan?," kolkaasoy shacbigiina ay u hooriyeen kuna jawaabeen"Haa."
Laakiin waxaa jiray Embagati Kenya madaxweynaha Federaalka Soomaaliya kolkii la doortay durba isla saacaddii xafladdu socotay in uu African Union iyo caalamku ka codsaday ciidan gaaray 20 kun oo askari nabad ilaalin ah garab siinaya dowlladdiisi dhalatay curdanka ah ee mucaaradkeeduna badanyahay.
Dadka dhalleeceeya siyaasadda Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxay sheegi jireen, amaba, ay sheegaan in "Cabdillaahi Yuusuf uu u socdo aargoosi qabiil," laakiin, si kastooy ahaataba, Cabdillaahi Yuusuf waxaa uu ku guuleystey in ciidamo gaaraya ilaa iyo dhowr kun oo Afrikaan ah uu ka soo dajiyo magaalada Muqdisha muddo kadib, markii dagaalka uu dhexmaray Midowgii Maxaakiimta iyo dowlladdii uu hogaaminayey.
19.12.2006dii ayey ahayd goortii Midowga Maxaakiimtii ay dagaal barqacad ku soo qaadeen gobolka Baay xarunta Baydhabo meel u jirta dhowr km labada gees halka loo yaqaan deegaanka Warta Idaale iyo Daynuunay oo ay xabbadu ka bilaabatay.
Dagaal socday 7 maalmood taariikhda galay oo lagu dhamaaday, ayaa natiijadiisu ku soo idlaatay in Midowgii Maxaakiimta si weyn loo soo jabiyo cimaamadoodu biibto, iyada oo jabkii la jabshey aysan ku hakan xitaa hareeraha aagaggii lagu dagaalamay aakhiritaankiina la isla yimid oo galay caasiamdda Muqdisho.
Waa markii ugu horaysay taanki Itoobiyaan ah uu soo gaaro magaala-madaxda Soomaaliya Muqdisho, waxaana maxaakiimtii kolkii la kala dhantaalay ay bilaabeen in hubkii ay u qaybiyaan qabiilada, islamarkaana, ay bilaabaan dagaallo Hit And Run War ku dhufo ka dhaqaaq ah.
Maxaakiimtii goortii la wiiqay awooddooda lagana itaal roonaaday isla ayagii ayaa haddana sii kala jabay 2 u kala baxay, hunguribaa yimid, gorgortan siyaasadeed iyo qaab walboy tahayba, waxaa meesha ka baxay dowlladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed uu madaxweyne ka ahaa, kursigiisi markuu waayeyna waxaa la qabtay shir dib u heshiisiin wax loogu magac daray, kaaso lagu qabtay magaalada Jabuuti ee waddanka Jabuuti.
Waxaa la isku qooshay baarlamankii hore iyo baarlamka cusub mucaaradkii maxaakiimta ahaa, iyada oo garwadeenka dowlladdii goobtaasi ka soo bidhaantay kursigu isku kala bixiyey SHariif Sheekh Axmed Soomaali badankeedna u taqaan(SHariif La Soo Gammey), gudoomiye baarlamaan SHeekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe, halka wasiirka koobaadna uu ka ahaa Cumar Cabdirashiid ina SHarmaarke.
Dowlladdu inta aysan imaan gudaha dalka, waxaa jirtey in ururka Al-SHabaab oo garab ka go'ay Maxaakiimtii ahaa uu qabsaday dhulkii ay faarujisay dowlladdii Cabdillaahi Yusuf kolkii ay Jabuuti u dhooftay, meelaha ay qabsadeen waxaa ka kid ahaa sida madaarka milatariga caalamiga Balad-doogle, Diinsoor iyo xaruntii dowlladda Baydhabo.
Afar sano dabadeed iyo xabbad la isku waalay, Muqdisho iyo qayba badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxay noqotay in ciidamadii Amisom la soo kordhiyo, in ciidamada Itoobiya ay mar labaad soo galaan gudaha Soomaaliya iskaashigooduna awooddii SHabaab yara riixay.
Xaajadu markii ay meesha mareyso, dowlladdii SHariif Axmed uu horkacayey doorasho wax u eg ayey gashay, waxaa loo aqoonsaday dowllad rasmi ah ku meel-gaar ka baxday inay tahay, waxaana madaxweynenimada ku guuleystey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ooy Soomaalida inta badan u taqaan (Xasan GurGuurte) halka shacabweynaha Reer Koonfur Galbeedna ay u yaqaanaan (Xasan Safaroow).
Xasan SHeekh waxaa wasiirka koobaad uu u doortay Saacid SHirdoonkii kursiga lala rogay, halka gudoomiyaha baarlamanka Federaalkana si buuxda jagadaasi uu u qaatay Proff Maxamed SHeekh Cusmaan Jaawri oo u dhashay dalweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dadka Reer Koonfur Galbeed iyaga oo ka duulaya xaqdarada, misna, si weyn u soo dhoweeyey dowlladdi Xasan SHeekh iyo ra'iisul u wasaare saacid xertoodu labadan masuul, waxa ay bilaabeen in sedbursiimo sameeyaan, maxaa wacay, jagooyin badan ooy xaq u laahyeen dadyowga Reer Koonfur Galbeed saamigoodaa la duudsiiyey indhahoogo shanto taagan.
Xildhibaanadii ka soo jeeday Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ay sameeyeen kacdoon aad u weyn, sababtu waxay tahay, distoorka Federaalka Soomaaliya waxaa uu qorayaa in (Awoodda dowlladnimada awood qaybsi lagu qotomiyo qabiilna lagu wada yimid).
Taa kolkii ay dhacday ayuunbay Rahawain Resistant Army RRA soo laba kacleysey, waxaana halka loo yaqaan DHonqooq oo awalna ahaan jirtey xarun saldhig weyn u ah RRA lagu aas aasay mar kale ururkii RRA oo gudoomiye, gudoomiye ku xigeen iyo taliyaal ciidanba halkaasi dib loogu dhisay, iyado ururka markii boorka gadaal looga jafay ay ku dhawaaqeen in ay u dagaalamayaan xaqiijina doonaan dhamaan xuquuqda dadka iyo dhulwaynahooda Koonfur Galbeed,ama guul, ama geeri, islamarkaana ururkan uu yahay urur ka madaxbanaan dowlladda Federaalka Soomaaliya ayna leeyihiin gobollo muwaaddiniin ah.
Isku soo wada duubo Kenya oo garab siinaysa Axmed Madoobe jufadiisa, kuwaa oo ku soo duulay magaalada Kismaanyo ee Koonfur Galbeed muddo ka hor, ayaa Axmed Madoobe markii isago Taangiyo lagu gelbinayo la keenay magaalada Kismaanya, waxaa uu isku dayey inuu maamul sameeyo ee uu isaguun is-magacaabay.
Mar aan dheereyn ayey ahayd markuu ku dhawaaqay Jubbaland maamul la yiraahdo Reer Koonfur Galbeedna ay u yaqaanaan Boobland ee uu isagu madaxweyne ka yahay, islamarkii uu ku naadiyeyna sidaasi, waxaa jiray madaxweynayaal kaloo 6 gaaraya, kuwaa iyana ka shanqariyey inay madaxweynaal ka yihiin magaalada Kismaanyo, ama, Jubbaland.
Ururka RRA oo taasi ka dabaaqtamaya ayaa maalmo kahor afhayeenka ururka RRA Maxamed Aadan Qalinle oo isagu caan ka ah gudaha iyo debeddaba Soomaaliya, waxaa uu ku dhawaaqay in ururka waddaniga RRA si toos ah weerar uu ugu qaadayo magaalada Kismaanyo dadka haystana uu ka xoreyn doono gobollada Koonfur Galbeed 6-da ahna inta uu ka xaqiijinayo heeriya- tuurkooda dagaalka uu soconayo maartana hadda iyo koow ay tahay.
Walow anaga shaqsiyan wariyaal ahaan aynaan boorineyn dagaal, haddana marka gardaro ay timaad in qofka la iska celshaa waa dadnimo iyo diiniyan intuba.
Afhayeenku waxaa uu sheegay mudane Qalinle in "ururka Rahawein Resistant Army RRA uu ka itaal badanyahay waqtigii hore," iyadoo buu iyri haatan dadku ay barteen "sida loo dagaalamo," ayna dadyowgu yeesheen cilmi badan garteena siyaasadihii maldahnaa majaxaabinta gablan iyo xaalufka lagula soo dhaqmayey 50-kii sano ee u dambeeyey.
6-da Juun maanta oo kale, waa maalin aad ugu weyn dadweynaha Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyago shacabweynaha sharafta badan dhambaallada farxadeed dabaaldagga xornimada ay isaga soo dirayaan dacallada adduunka munaasibadda sanadguuradan oo ku beegan ayaantii ururweynaha RRsi weyn oo buuxda uu u qabsaday magaalada Baydhabo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana maanta ay ugu dabaaldagayaan farax baraare iyo bashbash, iyado haatan la arkayo caruur farabadan oo aad u labisan calanka quruxda badan 6-da xidig quruxda badan ruxaya batarkana u boodaya qaalinimada qiimiga iyo qaayaha maalintan qaradaweyn murugada iyo ciilku ay barituureen dadyowgani sababtuna waxaa weeye, ururku waxaa uu xaqiijiyey amniga iyo jiritaanka dadnimada sharafka iyo karaamada xasiloonida bulshaweynta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya maxaa wacay, cirkoon daruur wadan biyo kama daateen, dhulka oon ku da'in roob doog kama baxeen, badda nimaan dabaal baran biya uma daaheen, dibna umaba soo noqdeen hadduu daado kaligii hirkaa dililahaa mooyaane, haddaba, haddaan RRA ayan jirin, aarka ummadda Koonfureed cidina uma gudeen, illinta iskama tireen, ilmuhu iskood uma cayaareen, abaayo iqtiyaar uma adeegteen, caanaha nabad laguma maasheen, calankan quruxda badan 6-da xidig lehna iljeex iyo caalamkuba ma aqoonsadeen.
RRA xarbi gashayna adduunyo ma xamanayso sida la yiri la arkaynaamar Alle laakiin!!
By: Ustad Adam


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc