SAWIRRO: Dr: Amaandhoorey oo deeq gaarsiiyay Xero Barakac Oo Kutaala Duleedka Baydhabo, Waxaa Kunool Dad Danyer ah!

0
Friday May 18, 2018 - 21:32:41 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 6 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Dr: Amaandhoorey oo deeq gaarsiiyay Xero Barakac Oo Kutaala Duleedka Baydhabo, Waxaa Kunool Dad Danyer ah!

    Maalin Kahor ayaan Booqaney,Kadib markii soo Ogaaney baahida Kajirta Waxaan Sameyney Qeylo dhaan Walaalaha Muslimiinta ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin Kahor ayaan Booqaney,Kadib markii soo Ogaaney baahida Kajirta Waxaan Sameyney Qeylo dhaan Walaalaha Muslimiinta ah.

Muwaadin Dr: Cabdullahi Ibraahim Amaandhoorey ah Agaasimaha Warbaahinta Arlaadi Oo Kunool Dalka Dibadiisa ayaa Noqdey shaqsigii Ugu Horeeyey Oo Kasoo danqada Danyertan Kudhibaateysan baydhabo,

Wuxuu usoo dhiibey Deeq Raashiin ah Waxaana loosoo wakiishey Wariye Ali Ilyas Abdullahi,Waxaana halka deeqda Lagu bixinayey Goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Iyo Degmada.

Gudoomiye Aadan Cali aadan Carab Gudoomiye Kuxigeenka degmada Baydhabo oo ka hadley halka deeqda Raashiinka ah lagu bixinayey ayaa sheegey in tani ay tahay wax si aad ah loogu farxo,Wuxuu umahad celiyey Aqoon yahan Dr: Amaandhoorey Hagarka Oo gartey in gacantiisa ay soo gaarto walaalaha danyerta ah isagoo dalka kamaqan,


wuxuu sidoo kale baaq udirey Inay jaaliyadaha kale ay kusoo deydaan oo ay kaqeyb qaataan Caawinta walaalaha kunool kaamamka Gaar ahaan Dadka aad utabar daran oo aay awoodin inay is afuriyaan.

Sidoo Kale Qaar kamid ah dadkii deeqda Lagaarsiiyey oo dareenkooda ka hadley ayaa Yiri.

"Maalin Kahor,Ramadaanka oo soo dhow Waxaan kafakareyney,Sidii aan uheli lahayney AFURKA,Iyo Raashiin Soonka Aan kusoono,balse Maanta Waxaa farxiyey walaalkeena Aqoonyahan Dr: Cabdullaahi Ibraahim (Amaandhoorey) "Waxaan Ugu duceyneynaa In Aduun Iyo Aakhiraba Bedel Kheer qaba siiyo"

Dr Amaandhoorey Oo Kunool Dalka Switzerland Ayaa ah Aqoonyahan kasoo jeeda Koonfur Galbeed Wuxuu Inta badan Kadanqadaa Dadkiisa Kunool Nolasha Hoose,Wuxuu gacan weyn Kageystaa Caawinta Walaalaha Dhibaateysan ee Kunool Koonfurta Dalka,

Wuxuu sidoo Kale Inta Lagu guda jiro bisha Ramadaan Uu balan qaadey in albaab waliba ugaraaci doono sidii Walaalaha muslimiinta ee danyerta Loogu heli lahaa wax ay kugaaraan Ilaa Dhamaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa walaalaha muslimiinta ah intooda badan is gargaara waxaan Ramadaanka jirta In baydhabo ay kunool yihiin Kumanaan Danyer ah oo aan awoodin inay iska dabaraan Nolsha Bisha Ramadaan.

BY Musharaf Abdi Nasir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc