Shabaab oo soo bandhigay sarkaal ay sheegeen in uu ka goostay Jubaland

0
Monday May 14, 2018 - 12:58:05 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo soo bandhigay sarkaal ay sheegeen in uu ka goostay Jubaland

    Ururka Al-shabaab ayaa degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland, kaasi oo ay tilmaameen inuu garowsaday inuu ku biiro Shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al-shabaab ayaa degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland, kaasi oo ay tilmaameen inuu garowsaday inuu ku biiro Shabaab

Xasan Khayre Xuseen ayay Shabaabku ku sheegeen magaca ninkan, waxayna Shabaabka tilmaameen in sarkaalkan uu Jubbaland ka tirsanaa muddo sanad ah, kana mid ahaa ciidanka ku soo tababartay dalka dibaddiisa.

Waxay tilmaameen Shabaabka, sarkaalkan xilliga uu isa soo dhiibayay inuu watay Qorigiisa, kaasi oo uu ugu shaqeynayay maamulka Jubbaland, balse wixii hada ka dambeeya uu isku dhiibay Shabaab.

 

Shabaab sidan oo kale ayay horey ugu soo bandhigeen degaanada ay ka taliyaan rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Jubbaland, oo isku dhiibay dhankooda.

Todobaadkii hore Ciidanka Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ayaa Gobolka Gedo waxa ay ku soo bandhigeen nin ay sheegeen inuu ka soo goostay ururka Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc