Mooto Bajaajle lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
Monday May 14, 2018 - 12:30:55 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooto Bajaajle lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, goobjoogayaal ayaa Warqabadka Amaandhoorey.com u sheegay in Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya ay halkaasi ku jiireen nin watay Mooto Bajaaj.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, goobjoogayaal ayaa Warqabadka Amaandhoorey.com u sheegay in Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya ay halkaasi ku jiireen nin watay Mooto Bajaaj.

Ciidamada oo watay gaari Cabdi Bile ah ayaa isku dayay inay ka cararaan ninka ay jiireen oo la sheegay inuu halkaasi ku dhintay, balse dadkii shacabka ahaa ayaa qayliyay oo istaajiyay gaarigii ay wateen ciidanka.

Gaariga ay wateen ciidamada ayaa wuxuu ahaa nooca Soomaalida u taqaan Cabdi Bilaha, waxaana uu dulmaray ninkan watay Mooto Bajaajta oo ugu dambeyn dhintay.

Maydka marxuumka ayaa halkaasi waxaa looga qaaday gaariga Cabdi bilaha ah, waxaana la sheegay inay u dhaqaaqeen dhanka Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ciidanka Militariga ay wataan ayaa wadooyinka Magaalada gudaheeda waxa ay ku maraan xawaare dheereeya iyaga oo ka cararaya qarax miino oo ciidamada loo dhigo.

Gaadiidka Cabdi bilayaasha ah ee ciidamada ay saaran yihiin ayaa inta badan marka ay fal tacadi ah u gaystaan shacabka waxa ay isku dayaan inay cararaan, si aanan loola xisaabtamin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc