DHAGEYSO Musharax u Taagan Gudoomiyaha BF Somalia oo Fadeexad hareeysay iyo heshiish qarsoodi ah oo uu la galay shirkad shisheeye?

0
Wednesday April 25, 2018 - 06:15:45 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO Musharax u Taagan Gudoomiyaha BF Somalia oo Fadeexad hareeysay iyo heshiish qarsoodi ah oo uu la galay shirkad shisheeye?

    Musharaxa u taagan qabashada Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Wasiirkii Hore Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasaaraddaasi ayaa fadeexad culus lugaha la galay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa u taagan qabashada Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Wasiirkii Hore Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasaaraddaasi ayaa fadeexad culus lugaha la galay.

Idaacada VOA laanta Af Soomaliga ayaa baahisay fadeexad culus oo lagaha uu la galay wasiirkii Hore Wasaaradda Gaashandhiga ee xilka iska casilay kadib markii uu sheegay in uu yahay Musharax u taagan xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Maxamed Mursal ayaa heshiish qarsoodiya la galay shirkad shisheeye, isaga oo ka qaatay lacag halmalyan dollar ah oo laalush ah heshiiskaasi ayaa waxaa wajahaya laba ciladood waa tan koowaad iyadoo si waafiya loogula tashan Saraakisha sar sare waliba kuwa sida gaarka ah aay u quseeyso.

Shirkaddan oo lagu magacaabo SKA International ayaa kula heshiisay Wasaaradda Gaashaandhigga inay ka taageerto gaarsiinta Sahayda Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan goobaha Al Shabaab laga saarey iyado lacag laalush ah baxisay si aay kaalmada ciidaanka Xoogga dalka sooo gaaro aay ugu jartaan lacag fara badan.

Qaar kamid ah Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa heshiiskaasi ka soo horjeestay inkasto aynaan awood u laheyn in aay hakiyaan Heshiishkaasi taaso ceeb iyo Fadaxeed weyn ah Wasiirka Xilka iska casilay ayaa xilka haayay muddo kooban.

Taliyaha SaadkaCXDS Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud XuseenGarabey ayaa sheegay in aan heshiishkaasi la soo marsiin balse wasiirka kaligiis heshiish la galay shirkadaasi howlaha aay qabanayso ilaa iyo haatan lagau wareersan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, oo ah mas’uulka xafiiska iibka iyo qandaraaska dowladda, ayaa sheegay inuusan waxba kala socon heshiiskan ay wasaaradda difaaca iyo SKA kala saxiixdeen, sidaasi darteedna uu yahay waxbka kama jiraan.

Warar qaar ayaa sheegaya in lacagta uu heshiishkaasi ku galay Maxamed Mursal isugu sharaxay Gudoomiyaha





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc