QORAA SARE ABWAAN C/RIXIIN GALEYR OO SOO SAARAY BUUG GALAY GALKA SHARAFTII BUUGAAGTA SOOMAALIGA!!

0
Sunday April 22, 2018 - 00:15:55 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QORAA SARE ABWAAN C/RIXIIN GALEYR OO SOO SAARAY BUUG GALAY GALKA SHARAFTII BUUGAAGTA SOOMAALIGA!!

    Magaalada Zurich oo ay ku nool yihiin in ka badan 150 jinsiyadood dadyowga dunida qolo walbaana ay ka soo muujiso halkaasi dadaaladeeda taariikhiga ah, ayaa waxaa geesta Soomaalida uga tilmaaman shaqsiyaad kooban, kolka loo eego dhanka horumarinta da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Zurich oo ay ku nool yihiin in ka badan 150 jinsiyadood dadyowga dunida qolo walbaana ay ka soo muujiso halkaasi dadaaladeeda taariikhiga ah, ayaa waxaa geesta Soomaalida uga tilmaaman shaqsiyaad kooban, kolka loo eego dhanka horumarinta danta guud ee Soomaalinimada.

Abwaan C/Rixiin Galeyr oo ah suugaanyahan Soomaaliyeed, runtiina ah qof aad u qalbi furan, waxaa buug ee uu qoray lagu soo badhigay gobolka ganacsiga xarunta u ah dalka Switzerland, kaasoona ku yaala gigida dayuuradaha hawadiisu ugu mishquulka badan dunida, maadaama uu isku xirayo dhamaan dayuuradaha isaga kala goosha qaaradda Yurub gaadiidka cirka caalamiga iyo ka guduhuba.
Buuggan oo ah buug aad iyo aad u qiimi badan qaayana ku fadhiya hab qoraalkiisa cajiibka ah Afka Soomaaliga kuna qoran Farta Soomaaliga-Maxaga la magac baxay Noloshii Silloonayd, soo bandhigistiisa xafladdii loo qabtay, waxaa si mug leh uga soo qaybgalay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool waddanka Swisska qaybihiisa kala duwan, waxaana wufuuddii bandhigga soo xaadirtay ay isugu jirtay labka iyo dhaddiga aadmigu intuu ka koobmo ayna ka mid yihiin aqoonyahanada qalinlayda ka soo jeedda geeska Afrika.
Furitaanka xafladdan bilan qaranimadu ka muuqatay dad muddo dheer isugu daynbaysayna ay si farax leh isugu arkeen oo lagu bilaabay aayaadka Quraanka Kariimka Qawlkii Eebbe kadib, ayaa waxaa halkaasi khudbado nuxur leh ka soo jeediyay qaar ka mid ah martisharaftii sida sharfoon uga soo qaybgalay madasha, iyadoona dhamaan indheergaradkii goobta ka hadlay amaan buuxda ay huwiyeen Abwaan C/Rixiin Galeyr juhdigiisa dheeraadka ah ee uu geliyay sifo rag ka rooni ah buuggan waxtar u leh ummadda sinjiga afka sooriyada xaajada wadaagta tolka iyo saaxiibka ah qoys ahaan Soomaalida looga yaqaan caalamka intiisa kale, sababto ah, xooggan iyo miskex shiilkan culus uu muujiyay abwaanku, waa wax ay u garteen bulshada inay ku bogaadiyaan qorista iyo soo saarista buuggan cusub, kaaso dhaxalgal u ah jiilka haatan soo koraya afkii in lagu hayo u baahan.

Buuggan taariikhda galay afkii hooyo kii lagu dhaadanayay macaanida badnaa Abwaan Galeyr intuu qoray, misna uu tifaftiray qudhiisa daabacayna bilaa fan dowlladeed, waxaa uu ka dhigan yahay inuu siinayo magac halyeeynimo qaar ka mid ah magacyadii taallooyinka lagu qoray dadkii taariikhda nool baalka dahabka ka galay, maxaa yeelay Soomaaliyo ku dhowaad muddo 30 sanadood aanay ka jirin dowlad taabbagalo shaqaynaysa, inuu ruux kalidii buug sidan ummadda faa'idooyin waawayn u leh uu mushtamaca fagaaraha ugu soo bandhigo aanay sahlanayn, kuna yarayd taariikhda la og yahay geyigeen burburkan intii lagu guda jiray qalinlayaal badan sida muwaadinka qaaliga ah yeelay yeelaya, taasina waxay tusaysaa qoraaga buuggan cusub ee aynu magaciisa kor ku soo xusnay inuu hayo laxaw waddaninimo iyo xanuun oofta wareemay hurdada u daadayo ka yimid ka xumaanshiyaha ayaandarooyinka gudboon ugu horayso dhaqandoorinta ee qurbaha sida xawliga ugu socota da'yarta haatan soo kobcaysa weerarada isdabajoogga ah lagu hayo aqoonsiga afkoodi hooyo.
Warbaahinta shucuubta Soomaaliyeed ugu adeegta bilaa mishqaayadda loo yaqaan Southern Media Co-Operation tiimkeeda ee uu haggaaminayo madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr Amaandhoorey oo si rasmi ah loogu casuumay xafladdan, waxaa shaqadooda warbaahineed intii ay socotay kamaraduhu qabanayeen rag iyo dumar muuqmuuqda oo aad ugu dhegraaricinayay sharaxaadda laga bixinayay buuggan cusub, waxaana sido kale indhuhu ay qabanayeen, qaar ka mid ah martidii soo ajiibtay imaatinka kulanka oo aad mooddo inay u tartamayeen hanashada, ama, gacankudhighidda buugga cusub ee Noloshii Silloonayd, kaaso xambaarsan wax macna wayn u samaynaya dadka afkan iska leh laguna soo afriday barbaarintooda kahor dhabtii hooyo intaysan ka daginon orod bilaabin.
Waayihii u dambeeyay dunidan guudkeega waxaa ku soo badanayay aqoonyahannada da'da yar iyo da' dhexaadka ah Soomaalida u dhashay ee soo saaraya buugaag miskex wayni qortay, taaso jawaab u ah salluuggii mutacalimiinta dalka lagu saluugsanaa dhanka qoraallada iyo soo saarista buugaagta macnawiga ah aanay bogaggooga ka muuqanahayn tii Soomaaliyaba kala geysay qabyaaladda ahayd ee ay soo hoos dugsato qabiilka.

Geesta dhalliisha haddaan yara milicsano horumar la'aanta iyo gaabiska qoraallada Afka iyo Farta Soomaaliga, inkastooy luuqadda Soomaaliga hal keliya tahay, leedahayna 2 lahjadood oo waawayn sida la wada qirsan yahay Maay iyo Maxa, labaduba haatan distoori ay yihiin, Maxaga la qoray sanaddii 1972kii ololihii khasabka dadka lagu baray feer iyo farlaab haraanti garuun wehliyo, ta Maaygana la qoray iyana sanadkii 1979kii, walow xukuumadihii isaga dambeeyay Soomaaliya ay lug iyo cagba saareen horusocodkeeda, iskaba daayo feer iyo jilib in dad lagu baro, xitaa fursad shacabka loogu soo badhigo loo diiday in la siiyo, ayaan weli qarnigan casriga adduunku isfurfuray nin iyo taagtii qodaxdu tagto, Farta Soomaaliga-Maayga caalamka buugaagtiiso qoran iska soo dabadhacaaya mar walba xafladaha nuucaan oo kale aan lagu soo badhigin sida dhiggiisi loo samaynayo.

Guntii iyo gabangabadii, Abwaan C/Rixiin Galeyr oo ah qoraa sare qurbaha qaaradda Yurub ku nool, ayaa horay u soo saaray buugaag Afka Soomaaliga ah iyo heeso imikadan taabbagalay oo haddadan laga dhagaysto daafaha dunida, kuwaaso mirahooda aad u culculus ku baxaaya afka Soomaaligeena hodanka ah, gaar ahaan lahjadda Maxaga ah, waxaana xafladdii buuggan cusub Noloshii Silloonayd aadka loogu bogay goos u raaxayn dadabdeed ay ku soo idlaata jawi ad u heer sareeya, iyado aan jirin wax isqabqabsi ah sidii lagu aqoon jiray kulamadii hore ee Soomaalida kala irdhowday, xafladdano beenisay oo waxba kama jiriin balcan baacuuri hal bacaad lagu lisay ka dhigtay oraahdii xumayd beri tagay Soomaalida qabsatay ee ahayd 'magac iyo musiibo marbay kuu baxaan.'
Caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonyahay bal eego u fiirsada abwaan Galeyr laakiin!!

By: Ustad Adam Increase




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc