DEG DEG:Xildhibaan Cabdillahi Wehliye Oo Ku Guuleystay Kursiga Duduble Ee Maanta Loo Tartamay!

0
Sunday April 15, 2018 - 12:03:41 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:Xildhibaan Cabdillahi Wehliye Oo Ku Guuleystay Kursiga Duduble Ee Maanta Loo Tartamay!

    Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha shacabka Soomaaliya kaas oo uu ka geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha shacabka Soomaaliya kaas oo uu ka geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.


Doorashada ayaa waxaa ku tartamay sadex Musharax kuwaas oo kala ahaa Cabdulahi Faarax wehliye oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye) iyo

Tirinta codadka markii ay soo gaba gaboowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqday guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorshooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)

Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye) ayaa helay 17 Cod Cabdullaahi Faarax wehliye ayaa helay 28 Cabdulle Faarax Xersi ayaa helay 3 Cod,waxaana halaabay 3 Cod sidaasina waxaa doorashadii ku guuleystay in uu Xildhibaan Golaha Shacabka ka mid noqdo Cabdullaahi Faarax wehliye oo hadda ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc