'Farmaajo Weji U Qarsoona La Soo Baxay Lataliyana Ka Dhigtay Qabyaaliste Weyn Xogmuhiima!

0
Thursday April 12, 2018 - 06:29:36 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Farmaajo Weji U Qarsoona La Soo Baxay Lataliyana Ka Dhigtay Qabyaaliste Weyn Xogmuhiima!

    "Madaxweynaha DF Somalia,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday Kaligii Taliye Kaxun Dawladii Adeerkiis Maxamed Siyaad Barre isaga oo latiye gaara ka dhigtay Ra'iisul Wasaarahii Hore Cabdiweli Sheekh Axmed habeen walbana qadka Telefoonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynaha DF Somalia,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday Kaligii Taliye Kaxun Dawladii Adeerkiis Maxamed Siyaad Barre isaga oo latiye gaara ka dhigtay Ra'iisul Wasaarahii Hore Cabdiweli Sheekh Axmed habeen walbana qadka Telefoonka latashiyo kula sameeya sida ilo wareedyo Muhiima aan ku heleeyno.

'Farmaajo iyo Cabiweli Yuulka oo udhashay Beesha Mareexan ayaa heshiish is af garad ah wuxuu ku dhex maray -mar aay Kawada qayb galayeen Mashruuc Qaaraan dhaqaale Loogu Uruurinayay Cisbitaal Loogu Magac daray Madaxweynihii Keli Taliska ahaa ee Somalia oo Lagu Magacaabo Jaale Siyaad Hospital Kaas oo ay hindisaha in la Sameeyo ay leeyihiin Shakhsiyaad ka soo Jeeda Beesha Madaxweyne Farmaajo ee Mareexan.

Muddo dheer kadib waxaay isku afgarteen in laga shaqeeyo sidii Siyaad Barre kadib dalka ula wareegi lahaayeen iyaga oo is kaashi sameeynaya waxaayna durba xiligaas soo sharaxeen Farmaajo oo qabyaalada ku weyn tahay balse Soomaalida, inta meelaha fog aan wax ka eegin ka iibiyay in u yahay Wadani.


Wakuma Taliyaha gaarka ah ee Farmaajo R/wasaarahii Hore Cabdiweli Yuulka waa shaqsigii jaamacadda Gahey gudaheeda ka sameeyeen liis ay ku qoran yahiin ardeyda aan ku haybta aheyn ee Jaamacadda dhigata in gebi ahaan Jaamacadda laga eryo, weliba kuwa sida gaarka ah waxbarashada ugu fiican. Eryidda ardaydas waxaa loogu marmarsiyooday iney sida caadada ahayd KACAAN DIID ahaayeen –wax la diido muusan ahayn?-, ayna kala qeybinayeen ardada.

Cabdiweli Yuulka ayaa Farmaajo ku taliyay in Beesha Hawiye dhexdooda la isku jabiyo nacebyn iyo aamindaro la,aana la dhex dhigo iyadoo la adeegsanaya xilkana loo dhiibayo Beelaha yar yar ee aan awooda badan ku dhaxleyn sii maalinba qolo dagaal loogu qaado isagana ka aamuso markii aay dhacaan dhacdooyinka nuucaasa.

Farmaajo oo rumeysan in markale aan la doorin doonin ayaa ka shaqeeynaya in uu iska horkeeno Beelaha Hawiye si midnimada iyo awoodoodo loo wiiqo iyo Beelaha Digil & Mirifle oo mar walbo garab u ah Beelaha Hawiye bahdil loogu sameyn lahaay isaga oo tallo ka qaadaya Cabdiweli Yuulka sidoo kalane afarta sano ee uu joogo uu cirib tiri lahaay Ciidanka Xooga Dalka oo u baddan Beelaha Hawiye iyo Digil &Mirifle.

Lasoco qeybta labaad  dhawaan Insha,allah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc