7 Sababood Oo Uu Prof: Jawaari Isku Casilay Xog Muhiima!

0
Tuesday April 10, 2018 - 04:46:34 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 Sababood Oo Uu Prof: Jawaari Isku Casilay Xog Muhiima!

    "1. Prof: Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari waa is-casilay kadib markii ay la dagaaleen shaqaalaha dowladda rayid iyo ciidan Beeleed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"1. Prof: Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari waa is-casilay kadib markii ay la dagaaleen shaqaalaha dowladda rayid iyo ciidan Beeleed.
2.Prof: Jawaari waa is-casilay kadib markii fulinta oo horay jeebka u geshatay garsoorkii dalka ay hadda laashay sharci-dejinta.

3. Jawaari waa is-casilay kadib markii si bareer ah loo kufsaday sharciga, lagana tallaabsaday dhammaan cahdiyadii umadda u qornaa.

4. Jawaari waa is-casilay kadib markii ay xukuumadda Kheyre isku-deyday in ay sharaf dil ku sameyso golaha shacabka uu tiirkiisa ahaa.

5. Jawaari waa is-casilay kadib markii la tixgelin waayey aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa qofeed.


6. Jawaari waa is-casilay kadib markii ay ku rideen xanuun, odayga oo hadda sariir saraan, wixii soo gaaro waxaa ma s’uul ah nabad iyo nolol.

7. Jawaari waa is-casilay kadib markii uu yaqiinsaday in dalka Soomaaliya aanu kabiir laheyn, oo caruur loo gacan-geliyay aayihiisa!”

W/Q:- Cabdi casiis gurbiye

FG: Warbaahinta Arlaadi waxaay iska diiday shaqsiyaad doonayay in aay laalushaan si loo joojiyo Xogta iyo warbaxinada rasmiga ah iyo sidoo kale waxaay diidey Baidoanews.com &Amaandhoorey.com in aay daabacdo warbaxino iyo maqaalo loogu gafaayo Gudoomiyahii Xilka iska casilay.

Warbaahinta Arlaadi waa warbaahin dhex dhexaad ah Madax Banaan shaqsiyaad ribitaankooda aan ku shaqeeyn balse soo gudbisa xaqiiqda taagan iyo wacyi gelinta Bulshadda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc