FANAANADDA QARANKA MRS CADDEY CALI OO BILLAD SHARAF SAXAFINIMO GUDOONSIISAY WARBAAHINTA KU BOHOWDAY KOONFURTA SOOMAALIYA!!

0
Sunday April 08, 2018 - 10:43:01 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FANAANADDA QARANKA MRS CADDEY CALI OO BILLAD SHARAF SAXAFINIMO GUDOONSIISAY WARBAAHINTA KU BOHOWDAY KOONFURTA SOOMAALIYA!!

    Mrs Caddey Cali oo ah fanaanad qaran caan ka ah guud ahaan daafaha dunida, islmarkaana ka tirsanaan jirtay xiddigihii kooxdii waxbarashada dalkeena Soomaaliya ee Iftin, ayaa maalintii shalay ahayd gudoonsiisay billid sharaf saxafinimo saxaafadda ku b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mrs Caddey Cali oo ah fanaanad qaran caan ka ah guud ahaan daafaha dunida, islmarkaana ka tirsanaan jirtay xiddigihii kooxdii waxbarashada dalkeena Soomaaliya ee Iftin, ayaa maalintii shalay ahayd gudoonsiisay billid sharaf saxafinimo saxaafadda ku bohowday Koonfurta Soomaaliya, taaso ay u aragtay inay tahay haatan saxaafadda keli ah ugu run sheegga badan geeska Afrika kuna shaqeysa dhexdhexaadnimo iyo iyado bilaa qarash la fariisata dhagaysata baahisana dadka taagta daran codkoodu inta badan aan la maqal.

Billad sharaftan saxafinimo ay fanaanaddu hoygeeda ku gudoonsiisay Southern Media Co-Operation ayaa waxaa ka mid ah qalab aad u qaali ah lagu duubo maqalka iyo muuqaalada ugu casrisan dunida maanta, taaso madaxda warbaahinta ku midoobay Koonfurta Soomaaliya ay aad iyo aad uga mahad celiyeen fanaanadda qaaliga ah qiimaha iyo qaayaha badan garashadeeda qarada wayn iyo xusuusta wanaagsan ay laabta ugu hayso wariyayaasheeda mar waliba u taagan tabinta wararka iyo wacaalada ummaddu ay u baahan tahay dal iyo debedba.
Caddey Cali oo in badan ku soo dhex jirtay badweynta fanka Soomaaliyeed, kana soo bilowday meelaha hoose, kuna luuqaysa afafka, ama lahjadaha waawayn ee Soomaalida Maayga iyo Maxaga, haatana ku nool dalka Switzerland, ayaa xaqiiqdii taariikh balaaran oo aad u weyn ku leh fanka Soomaalida, iyadona dadweynaha dhagaysta heesaha codkeeda kolkaad la sheekaysato ay kuu sheegayaan, Cadday inay leedahay cod aad u hallaansi ah nuuca lagu tilmaamo codka dahabiga, halkaaso laga garan karayo miisaanka ay fanaanaddan culus fanka ku dhex leedahay iyo saamaynta ay ku yeelan kadho dareen ahaan hubqaadka turukooyinka hanuuninta suuganeed qaabka masraxiyadda quruxda badan ay u tababaran tahay.
 Guntii iyo gunaanadkii, abaalmarintan qaaliga ah goortii la gudoonsiiyay saxaafadda kadib, ayaa la arkayay madaxdii casuumaadda loo fidshay iyo fanaanadda heerka qaran ah oo sheekooyin farax leh ay isla dhex marayeen, iyadoona aad looga sheekaystay taariikhda hobolladda iyo heesaheeda aadka u badan macnaha kala duduwana xambaarsan iyo weliba sida ay iyada laftirkeedu ay u saameeyaan marka ay qaadayso dareen ahaan suugaantu.

Codka la iskama doono ceesaan oo kalana la iska ciyo haddaanad caykeedaa heesi karin caddey oo kalana laakiin

!!

By: Ustad Adam





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc