DAAWO: Waa imiisa Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay jawaari & qaar ku soo biiray!

0
Saturday April 07, 2018 - 05:32:42 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: Waa imiisa Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay jawaari & qaar ku soo biiray!

    Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Prof: Maxamed Cismaan Jawaari ayaa soo bandhigay tiradooda iyadoo aay ku soo biireen Xildhibaano horleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Prof: Maxamed Cismaan Jawaari ayaa soo bandhigay tiradooda iyadoo aay ku soo biireen Xildhibaano horleh.

Xildhibaano ka tirsan Kooxda qabyo ama Damjadiid ayaa ka soo dhex muuqday Mooshinka laga wado Gudoomiye Jawaari sida Cabdirashiid Xidig kuwaasi oo aan horey qeyb ugu aheyn Mooshinka Gudoomiyaha laga wado.

Xildhibaano aay ka mid yahiin Khadiijo Maxamed Diiriye Cabdishakuur Cali Mire ayaa xalay ka qeybniyay Hoteelo ku yaalla Magaalada Muqdisho lacago loogu tallo galay Mooshinka ayadoo aay soo xera galiyeen sida aan ilo wareedyo ku helaayno 40 Xildhibaan oo horleh kuwaasi oo saxiixay Mooshinka ka dhanka ah Gudooomiye Jawaari .

iyadoo imanka tirada rasmiga oo aay heystaan lagu sheegay Xildhibaanada wada Mooshinka ka dhan ah Jawaari 180 Xildhibaan dhanka kale tirada loogu talla galay in lagu rido gudoomiyaha ayaa ah 184 Xildhibaan taaso macquul tahay in aay helaan muddo dhow maadama aay jiraan Xildhibaano horey u taagersana Gudoomiye Jawaari oo ka carooday maadama Gudoomiyaha maadama talooyin aay usoo jeediyeen uu ka biyo diiday taaso keentay in gor gor tan la galaan Xildhibaanada doonaya in aay ridaan gudoomiyaha.

Dhanka kale waxaa jiro Xildhibaano horey u saxiixay Mooshinka Gudoomiye Jawaari balse sheegay in aay ka laabteen haatana la joogan gudoomiyaha si aay xogtiisa u soo gudbiyaan iyaga oo isaga dhigaaya in aay taagersan yahiin gudoomiyaha.

Sidoo kale ila wareedyo Muhiim ayaa xaqeejiyay in Maamul gobaleedyada dalka ka jira Beesha caalamka u gudbiyeen warqad lagu sheegay in Baarlamaanka caqabad ku yahay Gudoomiyaha golaha shacabka Prof: Jawaari.

HALKAAN KA DAAWO XILDHIBAANADA KU SOO BIIRAY




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc