SHAMSA SHIIKH SHACABKAABA SHAACIYAY 500 NIN SHARAF IYO KARTI INAY SHISHE DHEER TAHAY SHUFTADA HA LOO SHEEGO SHOLOMBAYSA SHIBILKA !!

0
Sunday April 01, 2018 - 16:01:53 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHAMSA SHIIKH SHACABKAABA SHAACIYAY 500 NIN SHARAF IYO KARTI INAY SHISHE DHEER TAHAY SHUFTADA HA LOO SHEEGO SHOLOMBAYSA SHIBILKA !!

    Cidaha inay gaadaan reer Iljeex waa caadadoode, cidlo ka cantoobsadaan aaranka ummadeede, RRA carreysan markey ciiro ugu duushay, markii aan dirnay kun caynab ah, kun caaqub saare ah, kun caddaan ah, kuman caar leh, kuman baroor ciid ah, kuman calas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cidaha inay gaadaan reer Iljeex waa caadadoode, cidlo ka cantoobsadaan aaranka ummadeede, RRA carreysan markey ciiro ugu duushay, markii aan dirnay kun caynab ah, kun caaqub saare ah, kun caddaan ah, kuman caar leh, kuman baroor ciid ah, kuman calas ah, kuman boor cartan ah, kuman cillaamiid ah, kumanyaal wada casaawiir ah, kuman carow ah, kuman cawaawiif ah, kuman calcal ah, kun dhalaal-cawd ah, kuman carboon, kuman cidhiidhsaad ah, kuman cawlcawl ah, kuman caruusaad ah, kuman caan ah, kuman cadcaddaan ah, kun cajiibaad ah, kuman aarsi leh, kuman calan leh, kuman shaal cas, kuman ad-adag, kuman cawaar-guun leh, kun cunaab ah, kun cawsar ah, kun casiirmanyaal casar ah, kun casuusa ah, kun canbaabul, kuman cayaayuur ah, kuman cidood meer ah, kumanyaal cishaha durduriyee haadda la cayaara, kumanyaal caqli iyo farsamo lagala caal waayey, kuman kun culeys diida, kuman aan cararahayn, kumanyaal caabbiya cadowgoo cubtami ciyaar waalan, kumanyaal caddada weeraroow ifisada callima iyo kumanyaal caynaboo wxii carari maaga lagu cersheeyo markaan ciryaamo iyagoo cirey iyo wirey maalintey joogto intaasoo ciidana dirnayo afaafka dhignay, ciilkii raagay iyo calool xumadii umala-dooxii aayaday aayoow cabaadkeeda markuu illinta isoo dhaafshey sow alamtara ma dhaafin colaaddiiyoo intaan aargutayo walina xitaa waraabahayaga u aargudo idil ahaana carragii Koonfur Galbeedna ka iclaamiyey guul maanta calanka looga taagayo ku astaysan lixda xidig.

Dudidan gaaban daraanteedu wareegta rawaxaaddaada hudheelka hoose ilaamaa uurkii hooyo ambaqaadka socodkaaga talaabooyinka caqliguurka u baahan aadmiga kugula nool koonkan daaxuriska badan inaad tusto taransiga dadnimo ahaaneed bal waxaad kaga turan tahay nolosha adduunyada xifaaltanada gudboon jawaabihii asaaggu kaaga baahaan yahay mudankoodu ridmayaasha naxdin ku rushaynaysa qablankooda wiilal hortood,  waxaa baxshay raddintii gabadhii shishe rag badan uga dheeraysay loo qiray sharafka iyo kartida dadnima u nuuxsadka hadalkiyo hiillada dhiigga leh gaariyadda geesiyadda ah lagu magacaabo Shamsa Sheekh Ibraahin oo sida taariikhdu xususayso ka soo go'day dhabar halyeey aan libiqsan goortay xumaato yaa maali jirayay ay gaadho, lagana soo hoos qaaday hooyo aan hagar lagu sheegin, taasoona ku soo habtay caanihii gobanimada barbaarinteeda bulshada u nasiib baxsadka noqday.
Dadka kaydiya taariikhaha dadka wan wanaagsan waxaa bogaggooda kaydka laga soo miin guurinayaa in gabadhani amaanta badan dhallinyarada ah Mrs Shamsa Sheekh Ibraahin ay ka mid tahay gabdhaha ugu geesisan Koonfurta Soomaaliya u taagnaanshiyaha gobonimadeeduna aanay cidina uga haybaysan, calaashaan inay waji kaga samaysato ruux neceb sawdka lana soo dhadaq leh dibnacaddayn been ah qosol aan dawo lahayn salkiisu yahay ka noqoshada mabaaddiida culus ay xambaarsan tahay iyadu, iyado gabadhani dhiifooni mar waliba la arkayo dadaaladeeda muuqmuuqda samatabixinta bulshadeeda dhibaateysan, si kor loogu qaado mar kale cisigii iyo karaamadii ay shucuubtan webiyada kulaasha berisamaadkii ku lahayd dunidan guudkeeda, kahor intaanay ku hubsan musiibooyinkan dabada dheeraaday aadka u dabray horumaradooda kaltanka hiigsashada ahdaaftooda talisnimo sababta looga dhigay guuldarooyinku badi haantooleyda madaxyaweynta akaabiriinta siyaasiyinta sheegta matilaadda ummaddani tirada badan madaxdaaso siduu Dr Amaandhoorey iyo tiimkiisu horay u sheegeen koombooyinka looga lulo madaxtooyada Muqdisho buunshana loogu daadayo hoteelada ku yaala magaalada Xamar ooy sida lo'oda bahaahinka isaga daaqaan calafkii loo dhigay, halkaaso abaddal aabiddiin lagu goos goosanayo laguna kala dhantaalayay jiritaankooda dhul iyo dadka ahaaneedba.
Faalloodayaashu waxaa ay tilmaamayaan in Marwo Shamso Shiikh had iyo jeer lagu arkayo goobaha bulshadu isugu timaad, iyado xiran calanka astaanta summadda u ah dhamaan gobollada Koonfurta Soomaaliya, calankaaso ka kooban saddex midab buluug, casaan iyo doog oo ay sii wehliyaan 6 xidigo wareegsan muuqaal ahaan goobaabin samaynaya, kuwaaso midkiiba uu ka dhigan yahay mid ka mid ah gobollada 1.Gedo. 2.Shabeellaha-Hoose. 3. Jubbada-Hoose. 4. Baay. 5.Jubbada-Dhexe iyo Bakool.
Gabadhani shaashaduhu ay is u soo qabanayaan beryahan la kala dheereeyay, waxaa ay caan ku tahay sido kale abaabulada iyo dhiirigelinta labka iyo dhaddiga barbaarta Koonfureed inay si mug leh u qabsadaan astaantooda qarannimada aadna ugu faanaan dhaqankooda, bacdama qaranimada iskood inay isku tashadaan dhaqaajistaana qudhooda ay lagamamaarmaan u noqonayso ku noolaanshiyaha geeska Afrika sanadaha dhow ee foodda inagu soo haya, waxaana Shamso marka laga yimaado hawlaha gargaarka ay shacabkeeda u hayso min miyi iyo magaalo aad waqti badan u gelisaa, sidii loo jiiri lahaa dhadhaabta magac xumadu u baxday dadkeeda ee ah inay bulshadu inteeda kale u liitaan, iyako leh dhulkii ugu barwaaqada badnaa dalka, taaso ku kaliftay inay inantani dhamacda ah huwanaato calankeeda jirkeeda qaarka ugu koreeya  baarka sare ay saarato, si ay uga baaqsato weydiinta ah. Adigu ma Koonfur baad ka soo jeeddaa?
Tanina waxay caddeyn u tahay in Marwo Shamsa Shiikh Ibraahin gabadhan geesta kale quruxda Mowle u hibeeyay dhamayska ah, iyadoo dhallaanka dhayda laga waraabshay aan la kala dhantaalino Rabbigu dhameeyay, ay tahay waddaniyad ka soo dhex sooftay kumaan kuno gabdhood iyada la midka ah jooga gudaha dalkii iyo debeddaba, tahayna gibin 500 nin aalaaba ragga maanta jira sharaf iyo karti dheer tahay, inkastooy wiilasha ka soo jeda Koonfurta Soomaaliya ay yihiin, kuwa ugu dhiirinaanshiyaha badan guud ahaan mandiqadda geeska Afrika shahaadooyin sare loogu siiyay, kolka uu yimaado gacan ka hadalka, ama colaadaha lagu riiqdo ololiya buldaamaha ooy dadka iyo duunyadu fulaygu fagaarteeyo liishaanku dhabarka mooyee wajigu aan marnaba ka haleelin, iyado guuxu dadweynuhu meel kasta laga maqlayo haatan, shoor iyo shux shux hadal la sheegay Shamsa Sheekh shalaxshalax uun ma aha waxa ku sheegan sheekooyinkeeda, ee waa shintirsiga gobonimada hablahaygu tii ay ka shidaal qaadan lahaayeen shixnadaha guulaha lagu shakaalo shoobarada shiilatay Maayow Maaygu waxaan ahayn mid u muuqda Maxagu.

Shamsa Sheekh shuhuudbayba ka noqdeen shacbigii inay tahay shindhaladkii dalka shamsadii u soo nuurtay shaki la'aan laakiin !!

By:Ustad Adam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc