DR Cali Cabdi Baab Wareysi Culus uu Bixiyay Wuxuu Buudka La Dulmaray Madaxweyne Farmaajo, Raysulwasaare Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadanka Baydhabo Ku Tukuba !!

0
Thursday March 29, 2018 - 22:36:49 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 1631
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DR Cali Cabdi Baab Wareysi Culus uu Bixiyay Wuxuu Buudka La Dulmaray Madaxweyne Farmaajo, Raysulwasaare Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadanka Baydhabo Ku Tukuba !!

    Sida lagu yaqaan madaxweynihii hore ee dhulweynaha Koonfurta Soomaaliya siyaasiga rugcaddaaga aan runta ka gamban Dr Cali Cabdi Baab wareysi uu daqiiqado kahor baxshay waxaa uu kabaha nijaastooda buudka uu la dulmaray madaxweynaha fadaraalka Soomaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu yaqaan madaxweynihii hore ee dhulweynaha Koonfurta Soomaaliya siyaasiga rugcaddaaga aan runta ka gamban Dr Cali Cabdi Baab wareysi uu daqiiqado kahor baxshay waxaa uu kabaha nijaastooda buudka uu la dulmaray madaxweynaha fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/LLaahi Farmaajo, Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxooge Shariif Xasan Sheekh Aadanka Baydhabo ku tukuba kuwaasoo dhamaantooda sida la sheegay taangiyada shisheeya lagu gelbiyo habeein iyo maalinba sida gabar ama gashaanti guurhoraad ku jirta in laga dafaana banaamada aad looga cabsanayo.
Dr CalI Baab oo ah haatan wakiilka dowlladda Koonfureed ee qaaradda Yurub fadhigiisuna yahay boqortooyada dalka Ingiriiska ayaa ku furfurtay wasaqdoodana banaanka soo dhigay saddexdan masuul oo labo ka mid ah dadku ay u arkayeen inay waddaniyihiin dhab ah yihiin, balse imikadan sawirkoodu kii laga qabay dhankii xumahaa isu rogay, kadib heshiiskii shirikadda DPWorld ee qarsoodiga ahaa Jawaari uu ishortaagay fashilkooduna sababtiisu uu lahaa. 

 Madaxweyne Cali Baab ayaa sido kale ka hadlay shirkadaha qaraxyada fuliyashacbiga lagu laayo had iyo jeer fadhigoodu yahay shiinaha ragga heshiisyada la soo galay kuwa ay yihiin, arrinta heshiiskii Marka labada beelood lagu sheegay ee uu yuusuf Indhacadde uu daaha gadaashii ka soo hagayay, mooshinadii xaqa iyo xaqadarada kala ahaa midi uu haddadatan taaganyahay iyo guud ahaan qalalaasaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya samada isku sii shareeraya saacad walba si isdabajoog ah. 


 Haddaba si aad uga bogato umuurahaasi iyo qaar kalo sii qarsoonba, waxaad kaga bogan kartaa qaybaha hoose wareysiga aadka u xasaasiga ah ee Dr Cali Cabdi Baab ay la yeelatay warbaahinta xoogga badan ee ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-Opertaion. 


Maxaa loo gafayaa warkaygu ma gogoshaan guduudin waayay siduu yiri abwaankii jiray laakiin !! 

 
By:Ustad Adam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc