Qormo Cajiib Ah Ku Socota Siyaasiyinta Iyo Xildhibaanada Qawsaarsda Ah Ee Koonfur Galbeed

0
Wednesday March 21, 2018 - 14:08:43 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo Cajiib Ah Ku Socota Siyaasiyinta Iyo Xildhibaanada Qawsaarsda Ah Ee Koonfur Galbeed

    Hubaal waxaa ah in dunida oo idil Soomaaliya ay ku tiriyaan ama u arkaan dal fashilmay oo dib ugu dhacay dunida inteeda kale, taasina waxaa tusaale inooga filan in aan ugu horeyno liiska dadyowga ugu Musuqmaasuq badan dunida, ugu hogaanka xun, iyo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hubaal waxaa ah in dunida oo idil Soomaaliya ay ku tiriyaan ama u arkaan dal fashilmay oo dib ugu dhacay dunida inteeda kale, taasina waxaa tusaale inooga filan in aan ugu horeyno liiska dadyowga ugu Musuqmaasuq badan dunida, ugu hogaanka xun, iyo ku dhaqanka Siyaasad ku salaysan Qabiil iyo dano kale.
Mana jiro wax qorshooyin muujinaya sidii loogu gudbi lahaa dhibatooyinkaasi dhacay mudadii 28-ka sano ee saameynta xun ku reebay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 

Warbixinada la soo saaro ee magac xumada aan aduunyada ugu horeyno waxaa kamid ah kumanaan gabood falo ah sida kufsiga, dilka, dhaca, barakicinta maatadda iyo kuwo kale oo lid ku ah Xaquuqda Aadanaha ayaa maalin walba  ka dhaca gayiga Soomaaliya.

Dhabtii markii dib loo jaleeco sanadihii hore ee burburka, xiligaan Soomaaliya waxay in yar ka wanaagsan tahay beryihii dhibka badnaa ee laga soo gudbay. Balse shaki kuma jiro in ay aad u adagtahay dib u soo noolaynta sharafka iyo karaamada dal in ka badan 25 sano ku jirey dagaal sokeeye iyo dib u dhac baahsan oo in si fudud loogu soo celiyo haybadiisa guud haday ahan lahayd mid bulsho, mid dhaqaale ama xitaa siyaasad la jaanqaadi karta Qaaradda Afrika iyo dunida inteeda kale. 


Sababta aan sidaa u leeyahayna waxaa waaye, in gabi ahaanba ay burbureen nidaamkii dowladnimada iyo wax kasta oo astaan u ahaa Qaranimada dal. Intii lagu gudda jirey xiliyadii dowlad la’aanta, waxyaabaha laga dhaxley waxaa kamid ah midnimo la’aan, cuqdad baahsan iyo cadaawad xun oo ka dhex abuurantay guud ahan bulshada Soomaaliyeed, heer la gaarey in deegaanada qaar ay go’aan halisna ku ah midnimada dalka loogu dhawaqay sida Gobolada Woqooyi Galbeed ee Somaliland oo ku dhawaqay in ay yihiin dal ka go’ay Soomaalida inteeda kale.

SIYAASIYIINTA DIGIL IYO MIRIFLE
Soomaalida way kala nasiib badan yihiin marka layiraahdo siyaasada, u danqashada dadka iyo deegaanka, inkasto siyaasi oo idil amaan loo haynin hadana Siyaasiinta Digil iyo Mirifle ayaa si fudud waxaa loogu tilmaami karaa ama lagu qeexi karaa "Siyasiyiin la mid ah Gaari/Baabuur leh 100 Isteerin/Steering, kaas oo qof walba meesha uu doono u leexsan karo, ama u u jihayn kara”. taasina waxay cadeynaysaa in siyaasiyiinta Raxaweyntu ay yihiin kuwo karti la’aan u saaxiib ah, ayago garan la’ danaha dadka iyo deegaanka ay matalaan.

Su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay " Maxay ku kala duwan yihiin siyasiyiintii hore iyo kuwa hadda jira ee Digil iyo Mirifle Siyaasada ku matala?
Jawaabta waxay iila muuqataa "in aan jirin wax farqi ah ay ku kala duwan yihiin heerkay doonaan ha ku kala matalaane siyaasada. Sababta oo ah kuwii horena waxay u dhaqmaayeen sidatan iyo si ka sii liidata, walow xiligaas dalka iyo dadkaba ay ahaayeen kuwo xalaal ah oo dulmigaan tirada badan maanta jira waagaas jirin. Haddii siyaasiintii hore ee D&M ay ahaan lahaayeen kuwo quman ama hadaf siyaasad fog leh, waxaa masraxa siyaasada lagu arki lahaa Jiilal ayaga ka danbeeyay oo siyasiyiin Digil iyo Mirifle ah oo aad u diyaarsan lana jaan qaadi kara siyaasada dalka ka jirta xiligaan, kuwaasi oo si qurux badan ugu jawaab celin lahaa arrimaha ku soo kordha dad iyo deegaanba halka ay mataalan, ayago horseed u noqon lahaa ilbaxnimo, hormar iyo hiigsi fog oo ku lifaaqan midnimo iyo wadajir dhib iyo dheefba leh.

DHAXAL U JOOGA XILKA GUDDOOMIYE BAARLAMAAN
Sida aan wada ognahay siyaasada Soomaaliya waxaa sal dhig u ah Awood qeybsi Qabiil, si guud iyo si gaar ahan Sedax-da xil ee ugu sareysa dalka oo kala ah: Laanta Fulinta, Sharci Dejinta iyo Garsoorka. Xilka Guddoomiye Baarlamaan waa Shaabad daahsoon oo loogu dhejiyey siyaasiintii hore ee D&M, ayagoo lagu qanciyey in aysan damci karin, ama aysan qaban karin wax ka baxsan Xilka Guddoomiye Baarlamaan. Sababtaas ku qasabtay in ay raali ku ahaadaan oo hamigooda dhaafi Kari waayo Xilka Afhayeenka Golaha Shacabka iyo Su’aalo kale oo badan, waxay u baahan yihiin falanqeyn dheer, laakiin Su’aashas jawabteeda ugu fudud aan ka dhigno caqli xumo liidata  iyo aragti siyaasadeed la’aan heysatay ayaga.

hadii ay dhacday in lagu Shaabadeeyay oo lagu qanciyay Afhayeenka Golaha Shacabka, maxay u noqon waayeen kuwo xilkooda saameyn weyn iyo galaangal siyaasadeed ku yeesha dowlad kasta oo jirta? Maxaa gabigooda ka dhigay fadlan lacag ku shubo? Maxaa ka dhigay aalad meel walba loo adeegsado? Maxaa looga waayey mabda’a ay ku mideysan yihiin dhexdooda iyo aragtiyo midaysan oo dan u ah dadkooda iyo deegaanadooda?
Dhibka kale ee jira ayaa waxay tahay in Shariif Xasan uu yahay shaqsiga kaliya ee u suurta gashay, ama sida uu doono ka yeesha siyaasiyiinta iyo hogaanka bulsho lagu qiyaaso 7-8 miliyan. Intaas waxaa ka sii daran, waa shaqsiga kaliya ee u suuro gashay in uu ka dhaadhiciyo siyaasiinta Digil iyo Mirifle "Kursiga Guddoomiye Baarlamaan” in uu xaaraan yahay inta uu Guddoomiye Baarlamaan yahay Prof. Maxamed Sheekh Cusman Jawari, haddii uu ka degana xalaal iyo kursi xaq ay u leeyihiin D&M noqon doono.
Mooshinka beryahan cusub ee  Prof. Jawaari laga keenay:

Soomaalidu waxay hore ugu maahmaahday "Lafo Maroodi ayagaa la isku jabiyaa”, Jawaari in mooshin laga keeno xumaan iyo samaan midna uma arko, fikirkeyga arinkaasi hadba waxay ku xiran tahay habka loo wajaho iyo sida loo maareeyo, maxaa yeelay siyaasadu malahan saaxiib joogta ah, balse waxay leedahay dano iyo masaalix is bad badala. Soo jeedin mooshin waa qeyb ka mid ah dimuqraadiyada iyo xalinta wixii qaladaad ah ee markaas jira, Balse arinka layaabka xanbaarsan wuxuu yahay in siyaasiyiinta Koonfur Galbeed mar walba yihiin  sidii Qowsaarka Xoolaha, ayagoo u hogaansamay Shakhsi in uu ku danaysto mooyee dano kale aan ka rabin, haddii damiir nool ku haray Xildhibandaasi ceeb iyo xishood waxaa ugu filan in u hogansamaan shakhsi siyaasadda ku cusub oo dhawaan uun  siyaasadda dalka soo galay oo xaqiidu tahay in badan  oo ayaga kamid ah kaga waaya’aragsan yihiin siyaasadda dalka. Nasiib xumo waxaa ah in ay jeebka u galeen qofka noocaas ah ayago wax yar oo laalush ah kaga qaata Sharafkooda iyo dadnimadooda, ogaada "Ushii Lagu karbaashay kuwii Idinka Horeeyey wali way taalaa”.

Gaba-gabada waxan leeyahay Xildhibanada Koonfur Galbeedow saan xal idin ma ahan dib u fikira oo sharafkiina iyo karaamadiina saan ka badala hadii kale taariikh aad u liidata ayaad kaga tagi doontaan bulshada aad matashaan, maalinta qiyaamahana waxan ilaahay hortiisa marqaati idinku noqon doonaan bulshadiina inaad ahaydeen qoom laaluush qaatayaal ahaa oo xalaal iyo xaraan kala dhawrsan waayay. Haddii aad damiir leedihiin fiiriya daruufaha ka jira deegaanaddiina.

W/Q: IBRAAHIM XASAN BARROW
Barrow003@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc