WAA KUMA NUUR ISMAACIIL SIYAASIGA CUSUB MURASHAXA GUDOOMIYAHA DEGMADA BOONDHEERE EE GOBOLKA BANAADIR !!

0
Monday March 19, 2018 - 12:01:09 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA KUMA NUUR ISMAACIIL SIYAASIGA CUSUB MURASHAXA GUDOOMIYAHA DEGMADA BOONDHEERE EE GOBOLKA BANAADIR !!

    Waqtigiisi loo oomanyahay goor aan sidaasi u dheerayn kolkuu saaxada siyaasadda geeska Afrika uu ka soo muuqday siyaasiga cusub ee lagu magacaabo Nuur Ismaaciil Sheekh, waxqabadkiisi bidhaaminaya inuu yahay maanta kii ay bulshadu u baahnayd isweydiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqtigiisi loo oomanyahay goor aan sidaasi u dheerayn kolkuu saaxada siyaasadda geeska Afrika uu ka soo muuqday siyaasiga cusub ee lagu magacaabo Nuur Ismaaciil Sheekh, waxqabadkiisi bidhaaminaya inuu yahay maanta kii ay bulshadu u baahnayd isweydiintii ka dhalatay ayaa keentay in shacabka Soomaaliyeed dal iyo debedba ay isweydiiyeen masuulkan daacadda ah midka uu yahay dabadeed u riyaaqid ay ugu bogeen samafalkiisa ku dheehan daacadnimada baar xambaarsan waddaniyadda ficiladiisa san ka soo dhex saaray siyaasiyinta xiligan intooda badan ee ku sugan gudaha dalkeeni Soomaaliya.

Safar shaqo culus ay ugu kuurgalayso dareenka shacabka Soomaaliyeed ku nool qurbaha ee ku aaddan siyaasigan da'da yar Mudane Nuur Ismaaciil amaantiisu xilgudasho u muuqadka ah warbaahinta caalamku qabsatay ooy Southern Media Co-Operation ugu kicitintay dalka Austria studio-yaheeda wareega uu horkacayay madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey , waxaa ay maykarafoonku la dhex qaadday aqoonyahanada iyo siyaasiyinta ku kala nool dalalka dhaca bartamaha qaaradda Yurub ayna ku jiraan dhallinyarada haatan u soo kacaysa geyigeena weyn oo ay maamul xumadiyo musuqa baahsan  iyo waliba dagaalada aan joogsigu lahayn sumuni dheerada iyo siyaadada seejadoonka horay iyo gadaalba u halakeeyeen teeriyo sanadkii 1991kii, kadib kolkii ay gabi ahaanba meesha ka baxday xukuumaddii milateriga Soomaaliya ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.


Wariye sare Salmaan oo barnaamijka daadahaynayay, islamarkaana su'aalaha u qaybinayay martida iyo martisharafta, waxaa jawaabaha masuuliyintii hadlaysay hadaladooda ka muuqanayay, in siyaasiga cusub saaxada siyaasadda Soomaaliya sida xawliga ku soo fuulay daacadnimada iyo hawlkarnimadiisi awgeed kartida uu u yeelan karayo qabashada jagada gudoomiyenimada degmada Boondheere tahay midi uu bakhayl naar ka daahaayo, taaso ka dhigan, in aqoonyahan murashax Nuur Ismcaali Sheekh yahay mid boqolkiiba boqol lagu aamini karayo in loo dhiibo xilkaasi aan soo carabaabnay iyo mid ka sii waynba.
Aqoonyahanadu waxay wada qireen, in ruuxa masuuliyaddiisi ka soo bixi kara laga fahmayo dhaqdhaqaaqiisi hore, kahor intuusan xilku qaban sida uu ku sifoobay hadal ag yaal masuulkani hadaladii laga yiri maahmaahdii raagtay ee carbeed 'calaamatu madhar fi saxaab, dhaan biyo keenaya dhabarkiisaa tilmaan kuugu filan.
Mudane Nuur Ismaaciil Shiikh oo runtii aad u da' yar tiradii soddonaadna xiraya ayaa aqoontiisi ku soo qaatay gudaha dalka Soomaaliya ilaa heer jaamicadeed (Mogadishu University) jaamacadda Muqdisho, isagoona shaqooyin culus ummadda u soo qabtay kolka laga yimaado suxufinimada uu qaranka ugu adeegayay si aad u xilkasnimo iyo Soomaalinimo leh.
Haddaan banaanka u kacnana, Nuur wuxuu ahaa xiriiriyihii jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika iyo dowlladda Federaalka Soomaaliya, waa qof aad iyo aad u ixsaan badan naxariistuna ay wajigiisu ka muuqanayso oo ay marqaatisoorayaan camaladiisi samaflka ku dhisan, sida cid walbo damiir Soomaalinimo iyo mid Islaamnimo ay dhibcahoogu jirkiisi ku jiraan uu qirayo una bisil mar uun inuu arko masuuliyin qalbi iyo miskex nadiif ah leh toodi gaarka ah ka horumarinaya ta guud ka samatabixiya cuduradan qabyaaladdu soo waariidday dabada dheeraaday oo ay bulshadeenu qoyska keliga ah af sowd sooriyiyo xaajo midabkiyo magacba siman tolka iyo saaxiibka ah ee siyaasadda lagu qaybiyay laguna seeteeyay soodin soodin heer ilaa siqiirkiyo sancadduhu waasho.
Hadal haynta qaaradaha isaga gooshtay ugu badan shacabka Soomaaliyeed ay hadal hayaan siyaasiga Nuur Ismaaciil ayaa timid macaawino qaybintiisi joogta masaakiinta Muqdisho uu sameeyay, kadib markii shir jaraa'id caasimadda dalka Soomaaliya uu ku qabtay si adago dareen leh dhiifoonaan waddaninimo ku jirto uu cod dheer ugu baaqay dowllada iyo shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed gudaha iyo banaankaba inay kacaanooy dareenkoodu muujiyaan ku aaddan damaca Imaaraadka uu ku doonayo inay kula wareegaan badaha iyo beriga dalkeena Soomaaliya, isagoona ku baaqay in shacabka biya la'aanta ku haysa gobollada dalkeena walaalahooda kale Soomaalida u gurmadaan inta wax la dhaamo sifo ka dhigan 'mataano jacayl bay isu qaaddaa tabardarina way iskula kuftaa.
Mr Nuur Ismaaciil masuulku wuxuu yiri "shacabka iyo dowlladda waxaan ugu baaqayaa inay ka dhiidhiyaan gunnimada Soomaaliya lala damacsan yahay, banaanbaxyo waaweyn ay dhigaan oo ay ku  tusayaan caalamka inay yihiin dad iyo dal madaxbanaan calankooda uu ka dul babanaaya mandiqadda bariga Afrika, ma ahan wax la yeeli karo, ama, la aqbili karo, in Soomaaliya mar kale dib gumeysi loogu geliyo qarnigan 21aad ooy dunidu horumartay."
Ugudambayntii, ra'i uruurintii idaacadda maqalka iyo muuqaalka xoogga badan ee magaceeda aan kor ku soo xusnay ay maalintii shalatoole ku sameysay muuwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool debedda, waxaa muuqaalada aad hoos ka daawan kartaan aqoonyahanadu ugu baaqeen gudoonka ahna duqa gobolka Banaadir Mudane Injineer C7RaxmaanYiriisow iyo dhamaan madaxda dalka inay fursad u siiyaan jagooyinku inay qabtaan dhallinyarada da'da yar wax bartay dadkiyo dalkiyo diintu u baahanyihiin waajibkooguna ka soo dhaliili kara sida:- Nuur Ismaaciil oo kale, si himadda dhallinyarada kor loogu qaado, si ay u noqdaan, kuwii beritoole waddanka hoggaamin lahaa, goorta ay rawaxaan, kuwa haatan ciroobay, amaba, ciradu ay ku soo billaabatay, xabaalna tahay inay godkii labada mitir ahaa lagu walaandayn doono, maray tahay maalin xisaab la geliyay, ku astaysan kitaab wayn, malag muqarar ah iyo mursal la soo diray, midna aanu ogeyn, mooyee kii abuurtay.

Udubkuba haddaan udub kale ku xigin aqal ma tooseen  sida hoorshay hugunka hadalada raagay laakiin !!

By:Ustad Adam





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc