Axmed Faal oo Ganacsato u Xirneyd Jowhar lacag ku sii Daayey"

0
Tuesday March 13, 2018 - 06:47:57 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Faal oo Ganacsato u Xirneyd Jowhar lacag ku sii Daayey"

    Maamulka Hirshabeelle ayaa dib xorriyadooda u siiyey ganacsato daraad la xiray xilli ay ku wajahnaayeen deegaanka Gamboole ee Sh/dhexe, si ay halkaasi ugula soo kulmaan xubno kamid ah A-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Hirshabeelle ayaa dib xorriyadooda u siiyey ganacsato daraad la xiray xilli ay ku wajahnaayeen deegaanka Gamboole ee Sh/dhexe, si ay halkaasi ugula soo kulmaan xubno kamid ah A-shabaab.


Maamulka Sh/dhexe ayaa amray in lasoo qabto ganacsatadan xilli ay marayeen deegaanka Baraki oo ku dhow degmada Jowhar.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolkaasi ayaa kulamo la qaatay ganacsatadan oo xirnaa ku dhowaad 24-saac, kadibna waxaa la isla fahmay in dib xorriyadooda loo siiyo.

Marar badan ganacsatada waaweyn ee magaalada Jowhar ayaa tagay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabellaha Dhexe, kuwaasi oo arrimo ganacsigooda ku saabsan kala soo hadlay Al-shabaab.

Maamulka Sh/dhexe ayaa mamnuucay in ganacsatada ku sugan Jowhar ay tagaan deegaannada Al-shabaab ay ku sugan yihiin si ay ugala soo xaajoodaan arrimaha ganacsigooda.

Ilo wareedyo Muhiima ayaa xaqeejinaya in gudoomiyaha gobalka Shabeelaha dhexe,Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) Ganacsatada ka qaatay qofkiiba  500$ dolar sidaasna dib xuriyadooda loogu siiyay ka dib markii Gudoomiyaha Maalmahii ugu danbeeyay waday dhaq dhaqaaq dhaqaale uruursi ah maadama laga yaabo in xil qaadis lagu sameeyo maadama uu ku fashilmay howlaha maamulka iyo Amniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc