Mooshin ka dhan ah Gudoomiye Jawaari oo diyaarsan &yaa wata Xog Muhiima'

0
Tuesday March 13, 2018 - 04:34:28 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshin ka dhan ah Gudoomiye Jawaari oo diyaarsan &yaa wata Xog Muhiima'

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Guddoomiye Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari kaasoo ay ku eedayaan qodobo baddan oo ka dhan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Guddoomiye Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari kaasoo ay ku eedayaan qodobo baddan oo ka dhan ah.


Warar lagu kalsoon yahay oo laga heley Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka  ayaa sheegaya in tirada mudanyaasha saxiixey mooshinkaan ay ilaa hadda mareyso 140 xubnood kuwasoo la filayo in maanta ilaa berri u gudbiyaan Guddoonka aqalka.

Xildhibaandaa hormuudka ka ah mooshinkaan ayaa waxaa ay kasoo jeedaan intooda badan Koonfur Galbeed kuwasoo raadinaya in Gudoomiye Jawaari la badalo.

Qodobada lagu eedeynayo Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa kamid ah, In shuruuc baddan oo aheyd In aqalku ansaxiyo Gudoomiyihu hortaagan yahay; In shaqadii Barlamanada ay la wareegtey madasha madaxda Soomaalida kuwasoo howlihii uu qaban lahaa guddiyo gaar ah u saartey iney ka wada-xaajoodaan sida arimaha Dastuurka, Khayraadka iyo doorashooyinka Somaaliya; iyo In Gudoomiyaha Baarlamanka uu curyaamiyey howlihii dib eegista Dastuurka kuwasoo uu afduubey Wasiirka Dastuurka.

Gudoomiyaha oo lagu eedeeyey qodobadan  kor ku xusan ayaa sidoo kale waxaa Xildhibanada aqalka aaminsan yihiin in madaxda hay’adaha fulinta kala shaqeeyo sidii aqalka wakiilada uusan qayb uga noqon laheyn howlaha dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

Mooshinkaan ka dhanka ah Gudoomiyaha Barlamanka hadii Xildhibanadaan gudbiyaan sida sharcigu dhigayo Maxamad Cismaan Jawaari waxaa uu dhexfariisanayaa mudanyaasha kale inta doodiisu socoto.

Dhinca kale, Madaxda Dowladda Fedaraalka ayaa iyadu ka dhexmuuqan daba-ka riixista mooshinkaan iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qayb ka yahay qorshahaan xilka looga tuurayo Gudoomiye Jawaari.

"Gudoomiye Jawaari ayaa isagu dhinaciisa diyaarinaya mooshin uu ka horgeeyo midka ka dhanka ah kasoo uu damacsan yahay in laga soo gudbiyo Ra’isal wasaaraha Soomaliya.  Sidaas waxaa  sheegey Xildhibaan diidey magacooda oo ka tirsan Golaha Shacabka Barlamanka Soomaaliya.

Mooshinka ka dhan ah Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u baahan oo kaliya 40 xildhibaan, waxaana talaabadaan inuu qaado cabsi ka qaba mudanyaasha diidan Jawaari.

Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka oo furmey maalintii Sabtida [10-ka Maarso] ayaa dadka ka warhaya waxay  sheegeen inuu noqnayo mid siyaasado kala duwan saameyn ku yeeshaan shaqadiisa.

Dhanka kale waxaa suurta gala in uu dib u dhac ku yimaado balse Mooshinkaan waa mid horey loo sii qorsheeyay oo in baddan laga soo shaqeeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc