China: Madaxweynaha oo xilka kororsaday & Xadeynta xilka oo la laalay!

0
Monday March 12, 2018 - 17:06:23 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    China: Madaxweynaha oo xilka kororsaday & Xadeynta xilka oo la laalay!

    Kongareeska dalka China ayaa Axadii shalay u codeeyey sharci cusub oo u ogolaanaya Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa inay xilka hayaan inta ay nool yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kongareeska dalka China ayaa Axadii shalay u codeeyey sharci cusub oo u ogolaanaya Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa inay xilka hayaan inta ay nool yihiin.

Sharcigan cusub ee la hordhigay Kongareeska China ayaa ah mid uu doonayo Madaxweyne Xi Jinping inuu xilka ku kororsado kuna balaariyo awoodiisa.

Xi Jinping oo hogaanka u qabtay halka xisbi ee ka taliya dalkaasi China sanadkii 2012 ayaa waday qorshe siyaasadeed oo uu sanadihii lasoo dhaafay ku balaariyey awooda uu ku dhex leeyahay xisbiga shuuciga ah ee dalkaasi ka taliya.

Ergada Kongareeska ee shalay u codeeyey sharciyadan cusub ayaa gaarayey 2,963 waxaana ansixiyey sharcigan cusub 2,958, waxaa ka aamusay sadex xubnood halka ay diideen labo xubnood oo kaliya.

Dowlada China ayaa sanadihii 80kii xadeeyey inta jeer uu xilka qaban karo Madaxweynaha, wuxuuna wakhtiga uga ekaa Madaxweyne Xi Jinping sanadka 2023, balse hada ayuu awood u helayaa inuu xukunka siihayo inta uu nool yahay.

Bedalaada sharcuuda xadeenayey wakhtiga uu xilka heyn karo Madaxweynaha ayey xukuumada si qarsoodi ah ugu dartay qodobada sanadkan Kongareeska u codeenayey iyagoo ka dhigay qodobka 14aad, balse isbedalkan sharciga lagu sameeyey ayaa la ogaaday 25kii bishii Feberaayo markii saxaafada lagu shaaciyey dhamaan qodobada cusub ee sharciga dalkaasi lagu darayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc