Mareykanka oo Sheegay in Malaayiin Dollar ay ku bixinayaan ciribtirka Al-shabaab

0
Monday March 12, 2018 - 16:13:47 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 96
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Sheegay in Malaayiin Dollar ay ku bixinayaan ciribtirka Al-shabaab

    Xog haya Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerso oo booqasho ku maraya qaar ka mid ah wadamada Afrika ayaa Howl galka Midow Africa ee AMISOM ee ay ka wadaan Soomaaliya ku aamanay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab iyo dadaaladooda Xasilinta Soomaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog haya Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerso oo booqasho ku maraya qaar ka mid ah wadamada Afrika ayaa Howl galka Midow Africa ee AMISOM ee ay ka wadaan Soomaaliya ku aamanay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab iyo dadaaladooda Xasilinta Soomaaliya.


Xog haye Tillerson ayaa balan qaaday in Dowladiisu ay la shaqeeyneeyso Midowga Africa si Al-shabaab looga adkaado, loona ciribtiro Argagixisadda geeska Africa iyo Dadaaladda Dowladaha Badan ay ugu jiraan dhameeynta Xagjirnimadda.

"waxaan la kulmi doonaa Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa Muuse Fiqi Muxamed, waxaana kawada shaqeeyneeynaa in laga Adkaado Argagixisadda Qaaradda” ayuu yiri Rex Tillerson.

Tillerson wuxuu  Howlgalka lagu Dagaalamayo Al-shabaab ee Soomaaliya u balanqaaday $140 Million, taasi oo uu sheegay in wax ka tari doonta Dar-dar galinta Dadaaladdda Xasilinta Soomaaliya.

Dowladda Mareeykanka waxaa ay ka mid tahay Dowladaha ugu horreeya oo Soomaaliya ka saacida sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc