USTAD ADAM"KACDOONKA REER BAKOOL WUXUU GALAAFAN DOONAA HANKA QARIBAN ANAA ANAADII SHARIIF XASAN AADAN ISAAQ.

0
Thursday March 08, 2018 - 01:42:48 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 1779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    USTAD ADAM"KACDOONKA REER BAKOOL WUXUU GALAAFAN DOONAA HANKA QARIBAN ANAA ANAADII SHARIIF XASAN AADAN ISAAQ.

    Kadib markii ay ederdarada habdhaqanka siyaasadeed Shariif Xasan Aadan Isaaq xarka goosatay kutagrifalka awoodaha hay'adaha dowliga Koonfurta Soomaaliya, indhawaalaba waxaa soo baxaayey dhawaqyo aad u kulkulul ka dhanka ah dhaqanxumada diblomaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii ay ederdarada habdhaqanka siyaasadeed Shariif Xasan Aadan Isaaq xarka goosatay kutagrifalka awoodaha hay'adaha dowliga Koonfurta Soomaaliya, indhawaalaba waxaa soo baxaayey dhawaqyo aad u kulkulul ka dhanka ah dhaqanxumada diblomaasiyadeed jaa'irka basada weyn fircoonka geeska Afrika maamulka uu horkacaayo, kaaso dhibaatooyinkii uu abuuray shacabka uu dhex dhigay ay adagtahay in qormo iyo labo lagu soo bandhigo laguna soo koobo.

Ustad Adam Increase oo ka mid ah aqoonyahanada dalka Soomaaliya xubina ka ah quburada saxaafadda ayaa mar uu wareysi siinayay Barnaamijka Lahadal Southern Media saacadihii tagey, waxaa uu ku taagtaagsaday sidii horaanba looga bartay runta dhibta madaxweynaha xoog ku joogga ah dhamaya dhiigga masaakiinta ee qaranka la hawiray Southern State of Somalia.


Wariye sare Xasanoos oo muuqaalada wareysiga maamulayey, wuxuu wariyaha jugta culus suxufiga lugeeya uu aad uga hadlay arrinta gobolka Bakool ee tuulada degmada cusub uu Xasan Aadan Isaaq dhowaan ugu magacaabay sida la sheegay digreeto ka soo baxday xafiiskiisa Baydhabo ku yaala, taaso Adam Increase uu caro aad ah ka muujiyey kuna tilmaamay mid horseedi doonta burburka qandaraaskii uu yabyabtay Shariifku.



Ustad Aadan wuxuu yiri "horayna waan uga diignay khataraha mujrimkan ummadda wareeriyey, wuxuu horay u soo kala gooyey goboladii 6da ahaa, heshiisyada dadkan dadka u cadowga uu la soo galay waan bidhaaminey inay ku kooban yihiin 2 gobol keli ah, dowladdiisu wasiirada ugu muhiimsan wuxuu gacanta u geliyey dadkii ku soo duulay dadka deegaanka, haystana maantadan beerihii iyo guryihii sida gobolka Shabeellaha Hoose, saacaddan saansaan colaad uu hurinaayo Shariifka ayaa ka socota Afgooye iyo Leego inta u dhexeysa, saasoy tahay dadka markey ku kacaan una adkeysan waayaan dhibta lagu hayo walaalahooda gobolkan webiga leh, wuxuu ku dajinaayaa been aan sal iyo raad toona lahayn, oo wuxuu leeyahay ciidamo deegaanka ilaa 2'500 difaacaya Shabeellaha Hoose ayaan degdeg ugu dhisaaya, waxaasi waxba kama jiraan, balse waxaan markan aaminsanahay, in kacdoonka Reer Bakool uu galaafan doono casharadii qaribnaa anaa amiir kulumkum cabiidiintii Shariif Xasanka geeska Afrika ee Koonfurta Soomaaliya, hadduusan Rabbigu maya oran, kacdoonkaaso ay ku soo hiran doonaan dhamaan bulshada beerka adeg degta dhamaan geyiga Koonfureed."


Isagoo aad u xanaaqsanaa Adam Increase, wuxuu ku nuuxnuuxsaday, in dadka Reer Bakool ay sidooda ahaanba darbi u yihiin qaranimada Koonfurtu, maadaama buu yiri "ay soodinta labada dal Itoobiya iyo Soomaaliya kulaalaan, oona weligood ay ku soo dhax jireen xarbi holac iyo baaruud, lagana sugeynin inay aqbali doonaan warka ka soo yeeray Xasan Aadan ee ah, inuu tuulo dad shalay fog qaxootinimo ku yimid uu degmo ugu magacaabo uuna hoos keeno bulshadii wadanka iska lahayd, si ay kooytadii maamulka ugala wareegto ummaddii makaanka xaqa u lahayd."


Ustaadku wuxuu intaasi raacsaday, in huwantii Salballaar markey ku soo duushay gobolada dhamaan wada qabsatay Koonfurta Soomaaliya, dagaalada waaweyn RRA ay kala hor timaaday uu ka soo bilowday gobolka Bakool, gaar ahaan Dhiil iyo Xudur, taasina ay muujineyso sida ay Reer Bakool lafdhabarta ugu yihiin bulshadan degta dhulka aan kor ku soo xusney, xiligana ay u muuqaneyso mar hadduu Shaariif Xasan arintiisa Alamtara soo dhaaftay haddana Bakool sahansaday safaadkiisu ku salaami doonaan gacmo dhiig badan leh.


Madaxweynaha xoogga isku magacaabay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sanooyinkii ugu dambeeyey awooddiisi wuxu isugu geeyey sidii uu 0-Land u dhaxalsiin lahaa dadweynaha tirada badan gobolada ugu wax soo saarka badan webiyadu ku teedsan yihiin ee Koonfurta Soomaaliya, isago had iyo jeer heshiisyo waaweyn dhanka dhulka ah la soo gala dadka u nacabka ah Reer Koonfurku, gaar ahaan kuwa ku hadla Afsoomaaliga Maayga, taasoona ilaa hadda aan la garaneynin sababta ku kalifeysa inuu sidaasi yeelo Shariifku, inkastoo qurbarada ka faaloota siyaasadaha geeska Afrika ay tilmaamayaan, in Shariif Xasan dhaqaale dartiis jinaasdiisa xataa uu u gadanaayo, oon waxba u aabayeeleynin mar hadduu shilin yimaado meesha.


Ugudanbeyntii wareysigan gaaban oo aadka u xamaasada lahaa Ustaad Adam Increase uu siiyey Southern Media xaqiiqdana ka turjumaya gaboodfalada tooska ah Shariif Xasan bulshadan uu ku haayo lana filayo in Kacdoonka iyo dhirifka reer Bakool ay u qoyn doonaan edebdarooyinka iyo daacdaacsiga ina Aadan Isaaqa Baydhabo taangiga lagu waardiyeeyo, muuqaalkaasi waxaad kaga bogan kartaan qaybaheena hoose dhamaan warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya.

By: Fahad Maxamed Abuukar Abow Asharow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc