DR AMAANDHOOREY SOODINTEENU WAA MASAAJIDKA ARBACA-RUKUN GOBOLKA BANAADIR KALA BARO BAR BAAN LEENAHAY JAGOOYINKA WAA INAAN HELNAA LAAKIIN !!

0
Saturday February 17, 2018 - 10:57:53 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 2117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    DR AMAANDHOOREY SOODINTEENU WAA MASAAJIDKA ARBACA-RUKUN GOBOLKA BANAADIR KALA BARO BAR BAAN LEENAHAY JAGOOYINKA WAA INAAN HELNAA LAAKIIN !!

    Xildhibaanada Koonfureed sidii bay gubeernada wali war uun ula gocleeyaan, gar hunguri ah mooyee wax kale uma goleeyaan dheh, sidii bay geddeedi shaxaad go'a u feytaan dheh, sidii bay u gadaan guntiyo dhulka Koonfur gowraca lagu hayo, gowsaha si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Koonfureed sidii bay gubeernada wali war uun ula gocleeyaan, gar hunguri ah mooyee wax kale uma goleeyaan dheh, sidii bay geddeedi shaxaad go'a u feytaan dheh, sidii bay u gadaan guntiyo dhulka Koonfur gowraca lagu hayo, gowsaha sidii bay jubbo gooynta u gala geyn dheh, sidii bayna kuraas ayan geyn ugu gardaadaan dheh, sidii bay u kala gaabineyn gelid xafiis dheh, gam noqdooyin sidii buu midba midi u guulaalaa dheh. waxse igala gawaawiir ah baan gelin dhaaxa sheegay, gooraamaha hore waxaa igala sii giiran, waana dhowr guul-daro sey ku timid aan la garanayn dheh.

sidii bayna kuraas ayan geyn ugu gardaadaan dheh, sidii bay u kala gaabineyn gelid xafiis dheh, gam noqdooyin sidii buu midba midi u guulaalaa dheh. waxse igala gawaawiir ah baan gelin dhaaxa sheegay, gooraamaha hore waxaa igala sii giiran, waana dhowr guul-daro sey ku timid aan la garanayn dheh. Koonfur soo gudubto wixii goob u gaamuraye, dhallintii gobayn lahayd dalkii jiiddaan soo galaye, waana ayagan gidaarada tan Xamar kuman gandoodaane.isgedaafin kumaan waa ayagan giirka dheer fiirine, kumanyaal isgiijin iyo waa taa gaatin soo hooyada è, muruqooduse geestuu la'yahay baan la garaneyn dheh. kuwii galay iskuulkee la islahaa gabalkan wey dhaami, goortay ebyeenbay golay dhan kale u qooqeene, aqoontoodase geestay la'dahay baan la garanayn dheh. gallad ma laha nin jaamci goobtii gabay, wey garab mareen guud ahaan xaqii loo gemaamadaye, cilmigoodu geestuuse la'yahay baan la garanayn dheh. culimadii jihaad inay galaan lagu goleynaayey, oo ayagoo wada gooni ah naskii wada garwaaqsiisan, waxayse faralka uga gaabsadeen baan la garanayn dheh. askaraha Koonfureed garaaddada taxdee gaardiga cayaari, een guubaabadaan bixinaba aan camal guhaadaynin, warankuudo iyana geestuu la'yahay baan la garanayn dheh. kuwa ganacsanaayee rogrogan golosha iyo moodka, ee ribix u guureynayee shilin u guureeya, iyana wax galkoodu geestuu la'yahay baan la garanayn dheh. aan hadalka gooye waxaan kugu gabangaabshay, ujeedada gamuuro ee waxaan kugu gabalaacshay, iyagaan ila gurguuran mooyaane waxaan goodi ku idleeyey, halhayskii gaboobiyo murtidii guudcadde u sheegay in galoolna dhaan ugu maqnayn Koonfur baan geddeed ahay dheh.

Isagoo warkiisi waxtarka leh nacabku indhaha baqbaqa ka saara siina turaantureeya sii tuurayay soona jiidanayay dadka samaha u ahalka ah madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey ooy fursad gaaban ku heshay jidkiisi safarka shirkii Bern intuu ku sii jeeday Southern Media Co-operation Studio-yaheeda wareega waxaa uu daboolka ka rogay inay waajib tahay magaalada Muqdisho oo caasimadda dalka Federaalka Soomaaliya gobol ahaan kolka jagooyinka la qaybsanayo in dadka baaxadda badan ee Reer Koonfurka daggano leh kala badho badh Xamar in maamulka xaqooda laga siiyo islamarkaana maamulka sare iyo gudoomiyayaasha degmooyinka loogu kala xaqsooro hadba siday dadka deegaanku ugu kala badan yihiin.
Dr Amaandhoorey mar wax laga waydiiyay wuxuu ugu jawaabi lahaa dadka qaar sida xantu tiri oranaya war la qaloocshay "Eelaay maxaa Muqdisho ka galay?", waxaa uu si carra leh uu ugu jawaabay in dadka sidaa aaminsan ama ku fakaraya ay juhulo ka yihiin taariikhda dhabarka marta iyo xaaladda imikadan loo nool yahay ee magaalada Muqdisho. Datoorku si kalsooni leh waxaa uu u sheegay in xarunta dalka Federaalka Soomaaliya dowlladda dhexe haatan fadhigeedu yahay deegaan ahaan kolka loo xisaabtamo taarikhiyan iyo xaaliyan ay badhkeedu iska leeyihiin bulshada baaxadda wayn leh Koonfurta Soomaaliya ku abtirsata gaar ahaan dadka aqlabiyad ahaan u badan uunka ku hadla Af-Soomaaliga Maayga, isagoona sii raacsaday in soodinta dadka aan soo xusnay Muqdisho kala barkeedu leeyihiin ku egtahay jiidda dheer ilaa masaajidka Arbaca-Rukun ee degmada Xamarwayne.
Wareysiga degdegga dhiigjoojinta intuu socday, Dr Amaandhoorey waxaa uu gudoonka cusub ee gobolka Banaadir Mudane C/Raxmaan Yiriisow ugu baaqay inuu dhawro ilaaliyo miisaanka xaqa ah ayna la fududaan inuu qaado wadiiqadda jiidhjiidhsan caddaaladdarada ahayd ooy sida hawtalhamagga ama fiidmeerta mugdiga ugu hooban jireen gudoomiyayaashii isaga ka horayay oo sida runta ah caadaystay inay ku tuntaan xuquuqda iyo saamiga saxda ah dadka badh iska lehe deggan gobolka Banaadir kuna abtirsada Maayow Maayga, isagoona ku booriyay dhamaan madaxda dowlladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka soo jeeda Koonfurta inay si dhiifoon isha ugu hayaan farahana la galaan hanaanka loo qaybinayo jagooyinka dowlladda hoose ee gobolka Banaadir sida kuwa degmooyinka oo haatan dhamaan Soomaalidu ay ka dhursugayso mudane Yiriisow iyo lataliyaashiisu.
Ugu dambayntii wareysigano aad u xasaasi ahaa ooy warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya ay ku wareysanaysay Dr Amaandhoorey, waxaa laga dheehan karayay sida kolkan ay waajib u tahay inay indhaooda u fiirafuraan fiidhoonaan dadka jagooyinka qaybinaya iyo kuwa waxqaybka wax ku leh, balse aanay qaybkoodu heli jiran laga soo bilaabo sanooyinkii la kufsaday awoodda Soomaaliya gaar ahaan ta magaalada Muqdisho, taasoo wareerka gurguurashadeeda waxay waabaay qaraar iyo sun u walaaqdaba dadka Koonfurta ku tagi waayeen halista haatana aad mooddo inuu soo xaadirayo xaqii xiligii ay gacmahooda ku dhigi lahaayeen xubnahooda maamulka gobolka Banaadir.
Sideeda ahaanba Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya oo taariikh facwayn ku leh taariikhda adduunka, gaar ahaan ta geeska Afrika ayaa gobol ahaan gobolka Banaadir waxaa uu soo maray marxalado kala duduwan teeriyo goortii Soomaaliya ay qaadatay xoriyadda sanaddii 1961-kii, waxaana caasimaddano wada daggan dhamaan shanta Soomaaliya marar badan la arkay lana arkaa in qolyo gooni ah kaligood ay sheegtaan inay leeyihiin maamulkeeda.
Walow run ahaantii Soomaalida deggan gobolka Banaadir ay ku kala badan tahay sidaan kor ku soo xusnayna aqlabayiddu qaadanayaan dadka salka dhigtay Jiidahaa min Hobyo ilaa Balcad iyo min Doolow ilaa Afgooye, haddana waxaa weli baryahan xisaabta ka maqanoon lagu darsan liiska dadka aadka loo dulmiyay iyana oo si xooggan u daga magaalada Muqdisho sida:-beelaha Samo iyo Banaadiriga, kuwaaso burburkii tawraddii Afweyne 1991kii qabtii dabadeed guryahooda Muqdisho inta la qabsaday, misna qaarkood naagahooda lagu dhex guursaday raggiina jikooyinka, ama suuliyada jiif ahaan dib looga kiraystay, iskaba daayo, bal inay baladkoodu maamushaan fursad nuucaasi loo siiyo, caddaaladdarooyinkaaso qayb ka ah israacid la'aanta guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho Soomaalida daggani ay isku raamsanayso har iyo habeenba, loona baahan yahay kolkan in dhabbihii caddaaladda la maro sacbadana samada loo taagto iyado tagtadii xumaydo dhacday daqaradii kala gaaray mood iyo noolba isaga soo hoyato Soomaalidu si loo gaaro sinaan iyo caddaalad waara.
Mukay geedahaa laga yaqaan murana kamaba yimiâado wixii miirqab iyo miisaan meel loo dhigo laakiin !!

By: Ustad Adam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc