Odayaasha Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka D&M oo Si Kulul Ugu Hadlay Xaquuqda G/ Banaadir ugu maqan?

0
Thursday February 08, 2018 - 16:05:20 in Wararka by
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Odayaasha Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka D&M oo Si Kulul Ugu Hadlay Xaquuqda G/ Banaadir ugu maqan?

    Odayaasha waxgaradka iyo aqoonyahanada Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle oo ku baaqay in Mamaamulka gobalka Banaadir laga siiyo xaquuqda aay ku leeyahiin Maamulkaasi maadama Degmooyin badan aay ka degan yahiin Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaasha waxgaradka iyo aqoonyahanada Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle oo ku baaqay in Mamaamulka gobalka Banaadir laga siiyo xaquuqda aay ku leeyahiin Maamulkaasi maadama Degmooyin badan aay ka degan yahiin Magaalada Muqdisho.

Waxaan ugu digaayna Madaxda ugu sareeysa Dowladda Fedaraalka in aay iska indha- tiraan baaqayna sidoo kallane D&M  la duudsiiyo xaquuqdii  aay ku leyahiinn Gobalka Banaadir ayuu yiri  mid ka ah Waxgaradka ka soo jeeda Beelweynta Digil Mirifle.

Maamulka Cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobalka Banaadir ayaa  laga dhex waayay Xoghayahii Gobalka Banaadir oo horey loogu qoondeeyay D&M iyadoo lagu badalay shaqsi ka soo jeeda Beesha Hawiye iyadoo qabiiladii kale xilalkii aay ka haayeen Gobalka Banaadir sidoodi lagu soo celiyay taaso ah Cadaalad daro iyo gef weyn.


Dhanka kale Gudoomiyaha  Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, CabdiRaxman Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaay ugu baaqen in Degmooyinka  aay degan yahiin D&M loo dhiibo shaqsi ka soo jeeda beeshaasi iyagoo dhanka kale ugu digay in uusan raacin wadooyinkii cadalad darada ahaay ee aay mareen Maamulkii isaga ka horeeyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Somalia, ugu jiro D&M ayaa sidoo kale loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha baddan ugu jawaaban talabaada Xaquuqda Maamulka Gobalka Banaadir loogu duudsiiyay Beelweynta D&M.

Waxaa Qoray Agaasimaha Warbaahinta Arlaadi Dr:  Cabdullahi Ibraahim Amaandhoorey


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc