Abshir Mise Ayaan Darro:- Eng Yariisoow Ma U Baahannahay Hadda?

0
Sunday February 04, 2018 - 20:38:34 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abshir Mise Ayaan Darro:- Eng Yariisoow Ma U Baahannahay Hadda?

    Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, waxaana loo doortay wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Cismaan Cumar Yariisoow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, waxaana loo doortay wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Cismaan Cumar Yariisoow.

Injineer Yariisoow oo horey ugu soo fashilmay siyaasadda ayaa xilkan qabtay wuxuuna kala wareegay Thaabit Cabdi MAxamed oo isna ahaa halyeey dadka ay aad ugu riyaaqsanaayeen.

Banii Aadamnimadii Thaabit Cabdi, la falgalkiisii dhalinyarada, ka shaqeynta arrimaha bulshada, iyo waxyaabaha lamidka ah, waa waxyaabaha looga fadhiyo Injineer Yariisoow, ha yeeshee sida muuqata waa uu ku fashilan yahay arrimahaas oo uma sameysna in uu jilo sidii Thaabit Cabdi sida ay qabaan xeel dheerayaasha siyaasadda.


Hooyada miskiinta ah ee cunuggeeda inta ka xanuunsaday oo dalka wax looga qaban waayay, marka uu mas’uul dowladeed uu ka soo arkay baraha bulshada uu wax ugu qabtay, iswayddii hooyadaas iyo qoyskeeda maxay ka aamin lahaayeen dowladnimada? dhabtii wuxuu ahaa qofkii isku xirayay dowladda dhexe iyo dowladda ha yeeshee Thaabit baddalkiisa lama helin oo Soomaaliya waxaa dib loo celiyay muddo, maaddaama calooshiis la ciyaar maamule looga dhigay.

Waa ayaan darro inteeda ah haddii qof Injineer Yariisoow oo kale xil loo dhiibo, waxa aan u baahannahay in aan  iska wacyi gelino in siyaasadda ay noqoto boosanneer dadka nolosha ka dhacay iska soo buuxiyaan,” ayuu Yiri Axmed Gacal oo kamid ah dadka siyaasadda aadka u falanqeeya.


 
Si kastaba ha ahaatee Yariisoow waxaa lagu heystaa in uu yahay qof dhalinyaronimo ku jira weli, sidaa darteeda howl iyo kama murugaba shaqada joogtada ah ee u taalla.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc