Madaxweyne sannifay gawaarida rinjiga madow kana mamnuucay dalkiisa?

0
Monday January 22, 2018 - 10:40:43 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 1815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne sannifay gawaarida rinjiga madow kana mamnuucay dalkiisa?

    M/weynaha dalka Turkmenistan Gurbanguly Berdymukhammedov ayaa ku sannifay gawaarida madow ee socota waddooyinka dalkiisa, waxaana uu soo saaray wareegto uu dalka kaga mamnuucayo gawaaridaasi oo ka bilaabaneysa kowda bishan eynu ku jirno ee Janaayo 20

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M/weynaha dalka Turkmenistan Gurbanguly Berdymukhammedov ayaa ku sannifay gawaarida madow ee socota waddooyinka dalkiisa, waxaana uu soo saaray wareegto uu dalka kaga mamnuucayo gawaaridaasi oo ka bilaabaneysa kowda bishan eynu ku jirno ee Janaayo 2018.

Gawaarida horay dalka u yaalay ee kalarka madow ayaa wadooyinka laga ururinayaa, waxaana ay arrintaasi sababtay in dadka leh gawaarid madow ay rinjiga ka badalaan inta aan laga qaadan.

Madaxweynaha wareegtadan soo saaray ayaa isagu ku socda gawaari cad-cad, waxana uuna daggan yahay qasri cad. Kalarka caddaanka ah ayaa lagu sheegay mid uu madaxweynaha dalkaasi si khaas ah u jecel yahay.

Dalka Turkmenistan ayaa ku yaal qaaradda Asia, waxaana uu sannadkii 1991-dii ka go`ay dal-weynaha Ruushka.

Madaxweynaha talada dalkaasi haya ayaa lagu sheegay mid kaligii-taliye ah, waxaana dagaalkiisa ku wajahan gawaarida madow uu soo bilowday labo sano ka hor xilligaas oo ganacsatada laga mamnuucay in ay dalka soo geliyaan gawaarida rinjiga madow.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc