MAGALAADA ZURICH NA HAATAN WAXAA LAGU QABTAY XAFLAD LAGU XUSAYO DHALASHADA NEBI MAXAMED CS !!

0
Monday December 11, 2017 - 09:36:51 in Featured by Super Admin
  • Visits: 1741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAGALAADA ZURICH NA HAATAN WAXAA LAGU QABTAY XAFLAD LAGU XUSAYO DHALASHADA NEBI MAXAMED CS !!

    Munaasibaddan lagu xusayay dhalashadii Nebi Maxamed cs, ayaa ka soo qayb galay dadyowga muslimiinta ku nool dalka Switzerland, gaar ahaan bulshada Soomaalida, kuwaaso isaga kala yimin gobollada ka duduwan ee waddankaasi dhaca bartamaha qaaradda Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibaddan lagu xusayay dhalashadii Nebi Maxamed cs, ayaa ka soo qayb galay dadyowga muslimiinta ku nool dalka Switzerland, gaar ahaan bulshada Soomaalida, kuwaaso isaga kala yimin gobollada ka duduwan ee waddankaasi dhaca bartamaha qaaradda Yurub.

Xafladdu intii ay socotay, waxaa goobta lagu arkayay caruur xiran dhar isku cayn ah calanka Tawxiidkuna kor u wadaanooy, waliba nashiidooyin Nebi-Amaan ah qaadaya, caruurtaaso habkay u dhisnaayeen sida runta ah aad u soo jiidatay dadkii xafladdaasi ku soo xaadir noqday.

Intii lagu gudajiray damaashaadka faraxa loo samaynayay maalinta dhalshada Nebi Maxamed cs ee Mawlidka loo asteeyay, ayaa hoolka waxaa ka hadlay culimo kala geddisan, kuwaaso aad ugu dheeraaday taariikhda iyo sifaadkii uu u abuurnaa dhaqandhaqan ahaan Maxamed Ibnu C/LLaahi rasuulkii Alle N.N.K.H.


Damaashaadkan oo bulshada haysata diinta munasalka Islaamka labadeeda qaybood ragga iyo dumarkuba ay goobjoog ahaayeen, ayaa waxaa ay ku soo idlaatay jawi aad u heer sareeya, walow sida la ogyahay culimada ku xeeldheer diinta Islaamku ay ku kala afkaar iyo aragti duwan yihiin dhigidda xafladaha Mawlidka oo ay u arkaan inay yihiin damaashaadyadaasi, kuwo dabatuur bidci ah, kana dhanka ah diinta Islaamka, halka qayb kalana ay rumaysan yihiin, inay sax tahay, in la xuso maalinta dhalashada Nebi Maxamed cs.

Muranka culimadu waxaad mooddaa inay mool ku ridayso midnimadii ummadda siduu marshay abwaankii maansooday laakiin !!

By. Ustad Adam



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc