Sawirro: Mid kamid ah Qaraxyadii ugu xooganaa oo goordhaw ka dhacay Kabul

0
Wednesday May 31, 2017 - 10:37:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Mid kamid ah Qaraxyadii ugu xooganaa oo goordhaw ka dhacay Kabul

    Magaalada Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan waxaa goordhaw ka dhacay qarax aad u xoog badan oo loo adeegsaday gaari nuuca Taraaga loo yaqaan oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo biro badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan waxaa goordhaw ka dhacay qarax aad u xoog badan oo loo adeegsaday gaari nuuca Taraaga loo yaqaan oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo biro badan.


Qaraxan goordhaw dhacay oo la tilmaamay in uu yahay mid kamid ah kuwii ugu weynaa ee Kabul ka dhaca ayaa ruxay aag amaankeeda si weyn loo adkeeyo ay ku yaalaan safaarado iyo xarumo dowladeed oo muhiim ah.

In ka badan 20-qof ayaa ku dhintay qaraxan xoogan, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 300-qof kale oo qaarkood qabaan dhaawacyo aad u culus, waxaana suurto gal ah in khasaaraha uu kasii bato inta hada la ogyahay.

Basir Mujahid, oo ah Afhayeen u hadlay booliiska magaalada Kabul ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid aad u xoog badan ayna ku dhinteen tiro aad u badan, waxa uuna tilmaamay in uu ka dhacay goobo ay ku yaalaan safaarado ay kamid tahay mida dowlada Jarmalka.

Ciidamada amaanka iyo kooxaha gurmadka ayaa wali ku howlan qaadista dhaawacyada iyo dadka ku dhintay qaraxan xoogan oo dhacay xili mashquul badan uu ka jiray bartamaha magaalada Kabul oo ah halka uu qaraxu ka dhacay.

Waxii Warra ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc