Mareykanka oo digniin kasoo saaray qorshooyin halis ah oo ay damacsan yihiin Shabaab

0
Saturday January 14, 2017 - 11:06:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo digniin kasoo saaray qorshooyin halis ah oo ay damacsan yihiin Shabaab

    Warbixin kasoo baxday Dowladda Mareykanka ayaa waxaa digniin dhanka Amniga ah lagu siiyay Dowlada Kenya oo ay kusoo fool leeyihiin weeraro Argagixiso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin kasoo baxday Dowladda Mareykanka ayaa waxaa digniin dhanka Amniga ah lagu siiyay Dowlada Kenya oo ay kusoo fool leeyihiin weeraro Argagixiso.


Dowlada Mareykanku waxa ay sheegtay in Argagixisada Somalia ee Al-shabaab ay qorsheynayaan in Deegaanada Kenya ay ka geystaan weeraro lixaad leh.

Mareykanku waxa uu sheegay in weeraradaasi ay yihiin kuwo ku fool leh Magaalo xeebeedyada dalka Kenya, oo saldhig u ah dalxiisayaasha.

Xogta weerarkaasi oo ay heshay Safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa looga digay muwaadiniintooda ku dhaqan Kenya, inay tagaan goobaha qaar.

Digniinta Mareykanka ayaa waxaa kamid ah in Al-shabaab ay weeraro ka geysan karto Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya iyo Magaalada Lamu.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya ayaa sidoo kale heegan gelisay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Magaalo xeebeedyada dalka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc