Midowga Europe oo baaq u soo diray Baarlamaanka Cusub

0
Saturday January 14, 2017 - 11:03:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Europe oo baaq u soo diray Baarlamaanka Cusub

    Ururka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, wax ka qabashada Xaalada amaan ee Dalka iyo caqabadaha ay ka wajeyso Dowladda soo socota.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, wax ka qabashada Xaalada amaan ee Dalka iyo caqabadaha ay ka wajeyso Dowladda soo socota.


Ururkan waxuu sidoo kale soo dhaweeyay doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ay ka dalbadeen in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta iyo howlaha amniga lagu sugayo.

Midowga Yurub ayaa dhinaca kale, waxey ugu baaqday hogaanka cusub ee imaan doona in uu ku dadaalo dhismaha ama xoojinta amaanka Dalka, iyo adkeynta mashaariicda lagu horumarinayo Dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Ururka Midowga Yurub uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Hogaanka cusub iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay xooga wada saari doonaan caqabadaha heysta Dowladda.

Hadalka Midowga Yurub ayaa waxuu imaanayaa xili dhawaan la filayo in doorashada Madaxtinomo ee Dalka lagu qabto Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc