Dab khasaaro nafeed u geystay Soomaali oo ka kacay Talyaaniga

0
Friday January 13, 2017 - 16:10:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab khasaaro nafeed u geystay Soomaali oo ka kacay Talyaaniga

    Muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dab xoogan uu ka kacay Xero ku taalla Magaalada Sesto Fiorentino ee Dalka Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dab xoogan uu ka kacay Xero ku taalla Magaalada Sesto Fiorentino ee Dalka Talyaaniga.


Dabkan ayaa waxuu ka kacay sida la sheegayo Xero ku taalla Degaanka Florence, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad 80 Ruux oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo dhamaantooda magangalyo doon ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Degaanka Florence ayaa waxuu sheegay in Dabka uu ka kacay Shirkada Qalabka lagu sameeyo oo laga guuray balse ay Muhaajiriintan Soomaaliyeed ay ku noolyihiin.

Taliyaha ayaa waxuu tilmaamay in qiiqa ka dhashay dabka uu caburiray Ruuxa dhintay, waxuuna xusay in haatan Saraakiisha Caafimaadka ay wadaan dabiibida labada kale.

Dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku sugan Soomaali badan oo Dalka ka soo galay dhinaca Dalka Liibya, si ay halkaasi uga sii gudbaan Dalalka kale Yurub ku yaalla.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc