Maxaa ka jira in Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Guuleed uu is casilay ?

0
Friday January 13, 2017 - 13:45:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira in Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Guuleed uu is casilay ?

    Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa beenisay Warqad been abuur ah oo la sheegay in baraha Bulshada iyo Internetka lagu faafiyay, taa oo lagu sheegayay in Madaxweynaha Galmudug uu is casilay .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa beenisay Warqad been abuur ah oo la sheegay in baraha Bulshada iyo Internetka lagu faafiyay, taa oo lagu sheegayay in Madaxweynaha Galmudug uu is casilay .


Warqada Baraha bulshada lagu baahiyay ayaa loo qoray qaabka ay qoraalada usoo diraan Madaxtooyada Galmudug, waxaana Warqadaasi lagu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu aqbalay xil ka qaadistii dhawaan Baarlamaanka ku sameeyeen.

War Saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Madaxyooyada Galmudug ayaa lagu beeniyay Waqradaasi been abuurka ah ee la faafiyay, waxaana Madaxtooyada sheegtay in been ay tahay warkaasi lana doonayo in dadka lagu qaldo.


Wax Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa u qorneed sida tan.




Galmudug oo Beenisay Qoraal Lagu Faafiyey Baraha Bulshada

Xafiiska Agaasinka Guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug wuxuu si cad u beeninayaa qoraal been abuura oo lagu baahiyey baraha bulshada kaasoo lagu tilmaamaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug uu aqbalay hawshii sharcidarada ahaydee xildhibaanada qaar ku sheegeen in ay xilka kaga qaadeen, ayadoo wax isbadal ah oo ku yimid mowqifkii Madaxweynaha ee arrintaas ku aadanaa aysan jirin.

Hadaba, waxaan halkaan cadeyneynaa in ay soo badanayaan waraaqaha been abuurkaa oo lasoo dhigayo baraha bulshada tanna ay kamid tahay waraaqahaas oo baryahaan lasoo dhigayey baraha bulshada, mana aha kuwo wax kabadalaya faylasha iyo xogta taala xafiiska Madaxtooyada.

Warqadaha kasoo baxaya Madaxtooyada Galmudug waxa ay leeyihiin sumad iyo qaab gaar u ah oo si sahlan loo ogaan karo warqad kasta oo ka baxda xafiiska Madaxtooyada.


Maxamed Cabdi Aadam
Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc