Beesha Caalamka oo ka walaacsan khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug

0
Friday January 13, 2017 - 09:58:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo ka walaacsan khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug

    Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay murun siyaasadeedka u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay murun siyaasadeedka u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.


Saaxiibada Soomaaliya ayaa sheegay in murunkan Siyaasadeed uu sababay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay u codeeyaan in xil ka qaadis lagu sameeyo Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, balse waxaa arintaasi si cod uga soo horjeestay Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug, sida lagu xusay bayaankan Beesha Caalamka.

Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka ka soo baxay ayaa looga dalbaday Xubanaha Baarlamaanka, Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, in wax waliba ay ku dhameeyaan wadahadal, si looga fogaado xasilooni darro.

Dhawaan ayee aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay Xaalad deg deg ah oo uu ku rogay Degaanada Maamulkaasi, si loo soo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc