Madasha Hagaanka Qaran oo ka digtay in Xasilooni darro siyaasaaded

0
Friday January 13, 2017 - 09:40:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madasha Hagaanka Qaran oo ka digtay in Xasilooni darro siyaasaaded

    Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay khadka teleefanka 11-12 January 2017-da. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay khadka teleefanka 11-12 January 2017-da. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Kulankan, ayaa waxaaka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha KoonfurGalbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble.

Shirkan ayey madaxda Madashu kaga wada hadleen dhawaqii ka soo yeeray xubno ka mid ah Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Madashu iyadoo qiimaynaysa marxaladda uu dalku maanta ku sugan yahay ee dhinaca abaaraha baahsan ee dalka guud ahaan ka jira iyo marxaladda kala guurka ah ee la xiriirta doorashooyinka dalka ka socda, sidoo kalena ahmiyad gaar ah siinaysa xasiloonida guud ee dalka ayey ka digtay talaabo kasta oo dalka guud ahaan ama gaar ahaan maamul gobolleedyada u horseedi karta xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amniba.

Madasha ayaa sheegtay inaan xiligaan la aqbali karin talaabo sharcidarro iyo fowdo huwan oo qalaalaase siyaasadeed ka abuuraya dowlad Gobolleedka Galmudug, waxayna Madashu ku baaqday in la ilaaliyo lana dhawro Dastuurka iyo Habraaca Baarlamaanka Galmudug.

Ugu dambeen Madashu waxay ku baaqday in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc