
Xog cusub oo kasoo baxeysa Qarax culus oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho
Qaraxaan oo ahaa Mid aad u xoogan ayaa si weyna looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaan kadib aagaasi laga maqlay rasaas xoogan.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay Albaabka loo yaqaan Madiina Geed ee Garoonka Aadan Cadde, waxaana Qaraxaasi loo adeegsaday Gaari nooca loo yaqaan Saruf, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Ciidanada Booliska.
Gaariga Qarxay ayaa waxaa waday Naftii halige ku labisnaa Dareeska Ciidanka Militeriga kaa oo kusii jeeda Hotel Peace oo ku yaal meelku dhow xarunta Xalane.
Sargaal magaciisa lagu sheegay Cismaan C/lahi oo ka tirsan Boooliska ayaa sheegay in Qaraxa ka hor gaarigaasi ay rasaaseeyen Ciidamada AMISOM, hayeeshee inta uusan gaarin Hotel Peace uu qarxay gaariga.
Sargaalka ayaa sheegay in Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Ciidamo ka tirsan AMISOM, kuwa Dowlada iyo dad shacab ah waxa uuna xaqiijiyay in indhihiisa uu ku arkay ilaa Lix ruux oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa sidoo kale la sheegay in Gudaha Garoonka uu waxyeelo ka geystay, balse aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay Khasaarahaasi.
Lama oga inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha rasmiga ah waxaase la xaqiijinayaa in Khasaaraha uu kor u dhaafayo ilaa 11 ruux.
Xog cusub oo kasoo baxeysa Qarax culus oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho
Qarax gaari nooca raaxada ah loo adeegsaday ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.